Shuruudaha kamid noqoshada baarlamaanka Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa soo bandhigay 11 qodob oo ay ku sheegeen in looga mid noqon karo Golaha Wakiilada baarlamaanka Galmudug.

Sidda ku cad qoraalka, shuruudahan ayaa saameynaya dhamaan 89-ka xubnood ee xeer-dejinta maamulka, oo 20-kamid ah ay soo xulaneyso Ahlu Sunna Waljameeca.

Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Isniintii baahiyey liis ka kooban 20-Xildhibaan oo ku metelaya baarlamaanka Galmudug.

Tiraddan la siiyey ayaa ku timid is-afgarad iyo heshiis la kala saxiixdey oo dhexmaray ururka iyo dowladda Soomaaliya oo ku lug leh dhismaha Galmudug-ta cusub.

Qoraalka lagu shaaciyey magacyadda mudaneyaasha oo xulistooda lagu saleeyay hanaanka awood qeybsiga ee 4.5 waxaa ku saxiixanaa Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Doorashadda madaxweynaha iyo baarlamaanka Galmudug ayaa loo muddeeyay in ay dhacdo bisha Janaayo ee sanadka dambe 2020, sidda ku xusan jadwalka coddeynta.

Saaxiibadda Caalamka ayaa ku adkeystay ahmiyada ay leedahay in doorashadda ay noqoto mid hufan oo la aqbali karo lagana talageliyey murashaxiinta mucaaradka.

Sikastaba, inta illaa iyo haatan la og-yahay, waxaa xilka madaxweynaha u taagan una tartamaya in ka badan saddex murashax oo ka kala socda Villa Soomaaliya iyo xisbiyadda mucaaradka.

Hoos ka akhriso shuruudaha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM