Falcelinta warbaahinta caalamka ee kiiska COVID-19 ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Coronavirus. Xukuumadda waxay ka gaabsatay fahfaahinta bukaanka.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa warkaas waxay si toos ah kaga sheegtay Telefishinka ku hadla afka dowladda ee SNTV.

Saacado kadib xaqiijinta, wasiirka Duulista Hawada, Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen duulimaadyadda caalamiga ah muddo ku suntay laba todobaad.

Asbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd markii afar qof oo laga qabtay garoonka Aadan Cadde la wariyey in laga baarayo xanuunkaas. Dhamaantooda waxay kasoo safreen Shiinaha.

Iyaddoo fayruska ay hay'adda caafimaadka aduunka u aqoonsatay "musiibo caalami ah," warbaahinta dunida la hadasha ayaa si gaar ah warbixino uga qortay kiiskii ugu horeeyay ee Soomaaliya.

Falcelinta warbaahinta caalamka

Qaar kamid ah saxaafada ugu afka dheer dunida oo wax ka qortay xaalada cudurka ee Soomaaliya ayaa ka midoobay ciwaanka sheekada oo ah; "Soomaaliya oo xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee COVID-19".

Anadolu Agency, wakaalada wararka u faafisa dowladda Turkiga, ayaa wasiir Fowziya kasoo xigatay in muwaadinka laga helay cudurka uu ka yimid China.

Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in kiiska laga xaqiijiyey Soomaaliya uu walaaca ku kordhiyey qaarada Afrika, maadaama dalka "uusan lahayn hay'addo caafimaad oo xoogan".

Dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka waydiisatay kaalamo maaliyadeed oo dhan 4.5 milyan oo Doolar iyo mid qalab si ay ula tacaasho fayruskaas.

CGTN, telefishinka laga leeyahay Shiinaha, ayaa iska indha-tiray sheegashooyinka ku saabsan in ruuxa laga helay cudurka ee ku nool magaala madaxda Muqdisho uu ka yimid xudunta caabuqa.

Coronavirus oo kasoo bilowday Wuhan, magaalo ka tirsan Shiinaha, ayaa noqdey mid kamid ah cudurada sidda ugu dhaqsiyaha badan ku gaarey caalamka, isla markaana heegan buuxa geliyey dowlado waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Xamse iyo Rigathi.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:32PM

Amnesty: Turkiga wuxuu gudaha Soomaaliya ku dilay 23 qof rayid ah

Hay'adan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay dadkan lagu laayay hal duqeyn dhanka cirka ah.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 10:09AM