Sidee dowladda Burundi ugu soo dhaweysay Farmaajo magaaladda Bujumbura?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BUJUMBURA, Burundi - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagey shalay oo Isniin ahayd caasimadda dalka Burundi, ee Bujumbura.

Waxaa Madaxweyne Farmaajo garoonka kusoo dhaweeyay dhigiisa Burundi, Pierre Nkurunziza, iyadoo kadibna loo galbiyay xarunta Madaxtooyadda, halkaasoo ay ku yeesheen kulan looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo ganacsiga. 

Wafdiga dowladda Soomaaliya, oo ay qeyb ka yihiin mas'uuliyiin sare iyo la-taliyaha Farmaajo ee dhanka amniga qaranka, Cabdisaciid M. Cali ayaa xalay casho sharaf loogu sameeyay hotel-ka Kiriri Garden, oo ku yaalla Bujumbura.

Booqashada Farmaajo ayaa timid kadib casuumaad uu ka helay Pierre Nkurunziza, waxaana ay kusoo begemaysaa xilli Burundi ay ka carootey go'aan kasoo baxay Midowga Africa oo ku aadan in ciidamo u dhashay dalkeeda oo gaaraya 1,000 Askari laga saarayo Soomaaliya bisha soo socota, kuwaasoo ka howlgalayay degaanada HirShabeelle, gaar ahaan magaaladda Jowhar.

Burundi ayaa diidan in tirada intaasi la eg hal mar laga soo qaado Soomaaliya, maadaama dalalka kale aysan sidaasi sameynin, oo wax ka yar Kun askari oo u dhashay Uganda la qaadey dhamaadkii 2017-kii.

Dowladda Burundi oo ah dalka labaad oo ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya ayaa dhaqaalo badan kasoo galay howlgalka Soomaaliya, maadaama ay canshuur oo Askar kasta laga jaro mushaarkiisa [$1028] lacag dhan $200.

Waxay kaloo sheegaysaa in tirada ciidankeeda ee la dhimayo uu yahay mid aan waafaqsaneyn habka ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, oo lagu heshiiyay in gebi ahaan lasoo afjaro sanadka 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM