Sidee Ra'iisul Wasaaraha Somalia loogu soo dhaweysay Nairobi?

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo saaka oo Isniin ah ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaarey caasimada Kenya, halkaasi oo ay kusoo dhaweysay wasiirka arrimaha dibada wadankaas, Monica Juma.

Khayre ayaa socdaalkiisa Kenya yimid kadib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyatta, waxaana la ogeyn mudada ay qaadan doonto booqashadda Ra'iisul Waasaraha.

"Wadahadalkeena wuxuu ku saabsanaan doonaa xoojinta cilaaqaadka labada geesoodka ah si gaar ah iskaashiga la dagaalanka argagaxisada, oo istaraatiiji u ah xiriirkeena," ayuu Khayre ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Safarka Khayre, ayaa imaanaya iyadoo Kenya ay wajaheyso khal-khal amni, oo kaga imaanaya Kooxda Al-Shabaab oo weeraro joogto ah ku haysa dalkan Geeska Africa ku yaalla tan iyo markii ciidamadiisa soo galeen Somalia 2011-kii.

Mid kamid ah weeraradda kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida ku beegsatay Kenya waxaa kamid ah Hotel-ka DusitD2 oo dhacay 15-kii bishan, kaasoo lagu dilay in ka badan 21 ruux.

Al-Shabaab waa halista ugu balaaran ee halista amniga labada dal xili Soomaaliya ay tahay meesha ay kasoo faracantay, inkasta oo aysan jirin magaalooyin waawayn oo ay maamusho, hadana qaraxyo ay ka geystaan.

Somalia iyo Kenya oo wadaaga sohdin dheer oo dhinaca bariga iyo badda ah ayaa waxaa ka taagan muran, iyada oo tan ugu xasaanada badan ay tahay badda oo dacwadeeda ay taalo maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM