Sidee loo musuq-maasuqay mashaariicdii OIC ee Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Iskaashiga Islaamka [OIC] ayaa mas'uul cusub u baadigoobaya xafiiskooda Soomaaliya kadib markii mas'uulkii hore shaqada looga eryay musuqmaasuq uu ku sameeyey mashaariic uu maalgelinayay.

Mashaariicdaasi oo ay ku baxeysay 72 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa lagu talagalay in lagu fuliyo mudo 5-sano ah, taasi oo aanan dhicin, inkasta qaarkood ay gabagabo ku dhow yihiin.

Mashaariicda oo qayb ka ahaa Barnamijyada horumarinta Soomaaliya ayaa qandaraas lagu siiyey in ay hirgeliyaan shirkado laga leeyahay Sacuudiga, kuwaasi oo ku guuldareystay in ay fuliyaan.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga oo wareystay dhinacyada ay quseyso ayaa ogaadey in labo masuul oo ka tirsan OIC ay kaalin wayn ku lahaayeen ku tagrifalka hantideed ee la sameeyay.

Labada mas'uul ayaa kala ah; Maxamed Iidle Sabriye, Madaxii xafiiska OIC ee Soomaaliya iyo Rami Inshaasi, Madaxii Arirmaha Bani’aadanimada ee OIC oo fadhigiisu yahay magaalada Jeddah, ee dalka Sacuudiga.

Sabriye ayaa lagu eedeeyay in uu si xun u maamulay mashaariicdaasi, taasi oo uu ku muteystay in la ruq-seeyay halka Rami, oo loo bedalay shaqo kale, lagu soo oogay in uu mashaariicdaasi siiyay shirkado ay leeyihiin dad ay isku qoys yihiin.

Muuse Faarax, oo lataliye u ahaan jiray OIC, kaasi oo uu Ururka u xushay in uu kiiskaan baaritaan gaar ah uu ku sameeyo ayaa sheegay in dhamaan shirkadaha la siiyey lacagaha ay dal-badeen.

"Maashaariicda oo gaarayey 5, Beeraha, Tacliinta iyo Caafimaadka oo gabagabo maraya, Gurmad deg deg ah iyo daryeelka bulshadda, waxay lahaayeen saddex waji, kuwaasi oo ay ku baxaysay midkiiba 6 milyan oo dollar," ayuu yiri Faarax.

Sabriye iyo Rami - oo u dhashay Falastiin, balse haysta baasaboorka Masar - oo Barnaamijka Galka Baarista uu siiyey fursad ah in ay iska difaacaan eedaymaha loo haysto ayaa diiday in ay ka hadlaan kiiskaan.

"Aniga iyo OIC wali ma aanan kala dhamaan, hasayeeshee marka ugu horeysa oo aan kala dhamaano ayaan kula hadli karaa, wixii ka dambeeya xog ma bixin karo," ayuu yiri Sabriye mar wax laga weydiiyay arrintaan.

Cabdalla Al Mansuur, kaaliya xoghayaha guud ee OIC u qaabilsan arrimaha maamulka iyo maaliyadda, ayaa qiray in mashaariicdooda Soomaaliya si xun loo maamulay, isaga ka waramay waxa xiga kara.

"Maxkamad in la isla aado way dhici kartaa, waxaa kaloo suurtagal in heshiis la gaaro," ayaa laga soo xigtay Al Mansuur, kaasi oo carabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay talaabo adag oo ay ka qaadaan ciddii dambi lagu helo.

Saddexda shirkadood ee Sacuudiga laga leeyahay in qandaraaska loo siiyey fulinta mashruucyadaasi fashilmay ayaa waxay iyaguna wakiisheen hay’addo kale oo maxali ah, si ay u fuliyaan howlgalkaasi.

"Dhamaan waxyaabahaan waxa ay dhaceen wajigii koowaad ee mashaariicda," ayuu yiri baaraha gaarka ah.

Howlaha la fulinayey waxaa kamid ahaa; Afurinta dadka Sooman, u gargaarida dadka saboolka ah iyo qodista Kanaalo, kuwaasi oo aanan suurtagalin, sida lagu ogaaday baarista ay sameysay OIC.

"Waxaa jira oo loosoo diray OIC sawirro lagu sheegayo in ay yihiin dad loo qaybinayo mucaawino…balse baarista ayaan ku ogaanay in markii sawirada laga qaadey kadib aanan waxba la siinin dadka masaakiinta ah," ayuu Faarax ku daray.

Mid kamid ah shirkadaha mashruuca qaatay waxaa kamid ah TAAS Enterprise, taasi oo ka been abuuratay wasaarada Beeraha Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in ay goobjoog ka ahayd mashruuc ay ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

"Dhalinyaro I oraneysa waxaan rabnaa in aan u gargaano Agoonta ayaa ii timid, kuwaasi oo iga qaatay warqad ay lacago ku dalbadeen balse ka been sheegay magaceyga," ayuu yiri Axmed Maxamed Xasan, gudoomiyihii hore ee Yaaqshiid.

Sida ku cad dukmiintiyo uu helay Galka Baarista, kooxda u timid Xasan ay ugu yeereen Duqa degmada Yaqshid, markii ay u tageen maamulka gobolka Banaadir dib ayaa loogu celiyay, iyaga markaasi kadib qortay warqad kale oo been abuur ah.

"Warqada lacag ayey ku codsadeen. Ma jirto lacag aan ka qaatay...mana ka qaadno dadka noocaasi ah ee doonaya in ay shacabku caawiyaan, markaasi kadib ma aanan arkin, laakiinse waa lagu raad-joogoo, oo iyaga ayaaba la ugaarsanayaa," ayuu raaciyay Xasan.

Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka oo Muqdisho laga furay sanadkii 2010-kii, kaasi oo haatan loo bedalay mid siyaasadeed ayaa mashaariicdaan waxa uu ka bilaabay Soomaaliya sanadkii 2013-kii, wallow haatan uu hakad ku jiro.

Sii-haye ayaa jira oo howlaha xafiiska sii wada, inkasta oo Sabriye wali ku adkeysanayo in uu isagu yahay madaxa xafiiska, balse qoraal loo diray bishii hore ayaa loogu war-geliyay in uu si deg deg ah shaqada u wareejiyo.

Soomaaliya ayaa mar kale sanadkaan safka hore ka gashay kiiskaan dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, iyadoo dowladdu u xir-xirtay mas'uuliyiin lagu soo eedeeyay xatooyo hanti dadwayne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM