Sidee looga ciiday Daarusalaam, Muqdisho? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo maanta geyiga Soomaalida laga ciidayo maalinta 1aad ee Ciidul Adxa ayaa munaasabadeeda laga dareemay xaafadda Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Boqolaal ka mid ah dadka deegaanka iyo qaar kale oo magaalada isaga kala yimid ayaa Salaadda Ciidda ku oogay barxadda weyn ee Daarusalaam.

Xaafadan oo sanadihii ugu dambeeyay aad u dhismeysay ayaa waxaa ku yaala oo laga hirgeliyay beerta xayawaanaadka iyo goobaha carruurta lagu ciyaarsiiyo, dadka ayaana uga kala yimaado magaalada inteeda kale.

Maalmaha Ciidaha waxay indhahagu qabanayaan damaashaadka quruxda badan ee halkaasi ka jira, waxaadna arkaysaa waalidiin badan oo carruurtooda ku ciyaarsiinaya goobaha u gaarka ah barbaarta.

Waalidiinta ayaa kuu sheegaya in ubadkooda ay farxadda ciidda dareemaan, marka ay waqti ku qaadanayaan beerta dalxiiska iyo damaashaadka ee Daarusalaam.

Daarusalaam oo lagu tilmaamo mid ka mida xaafadaha ugu bilicda wanaagsan ee Caasimadda Muqdisho Ciidda Carafo oo sidoo kale ay Soomaalidu u garan ogtahay Ciid Wayneey waa Ciidda Labaad ee Islaamka uu leeyahay, waxayna geba-gabo u tahay taagnida Xujeyda ee Banka Carafo.

Ciidaha Fitriga iyo Adxa ayaa xuskooda iyo weynayntooduba laga dareemaa caalamka, gaar ahaan dunida Muslimka.

Ciidda Carafo ee sanadkan ayaa ku soo aadaysa sanadkii 2aad oo xiriir ah, oo dunida uu halakeeyay fayriska safmarka ah ee COVID-19, Soomaaliya-se xaalkeeda waxa uu u muuqdaa mid degan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM