Sidee u dhacday doorashadda hogaanka cusub ee Galmudug?

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa maanta magaaladda Dhuusamareeb lagu doortay hogaan cusub oo ay yeelatay Galmudug, xilli ay jiraan wali khilaafyo siyaasadeed, oo maamulkan mudo dheer kusoo jiray.

Xildhibaanada baarlamaanka cusub oo ka kooban 89 xubin ayaa maanta ku doortay hoolka Shiirkole Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, waxaana lasoo gaba-gabeeyay doorashadii waqtiga dheer la sugayay, taasi oo dib u dhacyo marar badan ku yimid.

Xilka Madaxweynaha waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor[, oo wareeggii kowaad kusoo baxay, isagoo helay 66 cod, halka musharixiintii kale ee la tartantay oo saddex gaaraya midkii ugu sareeyay uu helay 9 cod.

Kadib waxay Xildhibaanada guda-galeen doorashadda Madaxweyne ku xigeenka, oo u tartamaysay 5 musharax, kuwaasoo qaarkooda ku haray wareegyadii kowaad iyo labaad, oo labo musharax u gudubtay lagu kala baxay.

Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee Galmudug ayaa loo doortay inuu noqdo Cali Daahir Ciid oo helay 46 Cod, halka Musharaxii kale ee la tartamay ee Cabdiqani Sheekh Cali Diini uu helay 31-cod wareegii 3aad.

Doorashadda Galmudug oo noqotay midii ugu waqtiga gaabnaa, marka laga eego mudada ay codeynta socotay, ee lagu doortay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaana ay u dhacday qaab aysan u dhamayn saamilayda siyaasadeed ee maamulka.

Dhowr musharax iyo maamulka Ahlu Sunna ayaa qaadacay ka qeybgalkeeda, iyagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelisay hanaanka, islamarkaana ay taageeray musharaxiin gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM