Sidee u dhacday doorashadda hogaanka cusub ee Galmudug?

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa maanta magaaladda Dhuusamareeb lagu doortay hogaan cusub oo ay yeelatay Galmudug, xilli ay jiraan wali khilaafyo siyaasadeed, oo maamulkan mudo dheer kusoo jiray.

Xildhibaanada baarlamaanka cusub oo ka kooban 89 xubin ayaa maanta ku doortay hoolka Shiirkole Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, waxaana lasoo gaba-gabeeyay doorashadii waqtiga dheer la sugayay, taasi oo dib u dhacyo marar badan ku yimid.

Xilka Madaxweynaha waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor[, oo wareeggii kowaad kusoo baxay, isagoo helay 66 cod, halka musharixiintii kale ee la tartantay oo saddex gaaraya midkii ugu sareeyay uu helay 9 cod.

Kadib waxay Xildhibaanada guda-galeen doorashadda Madaxweyne ku xigeenka, oo u tartamaysay 5 musharax, kuwaasoo qaarkooda ku haray wareegyadii kowaad iyo labaad, oo labo musharax u gudubtay lagu kala baxay.

Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee Galmudug ayaa loo doortay inuu noqdo Cali Daahir Ciid oo helay 46 Cod, halka Musharaxii kale ee la tartamay ee Cabdiqani Sheekh Cali Diini uu helay 31-cod wareegii 3aad.

Doorashadda Galmudug oo noqotay midii ugu waqtiga gaabnaa, marka laga eego mudada ay codeynta socotay, ee lagu doortay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaana ay u dhacday qaab aysan u dhamayn saamilayda siyaasadeed ee maamulka.

Dhowr musharax iyo maamulka Ahlu Sunna ayaa qaadacay ka qeybgalkeeda, iyagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelisay hanaanka, islamarkaana ay taageeray musharaxiin gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM