Sirdoonka dalalka Soomaaliya iyo Nigeria oo heshiisyo kala saxiixday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Sirdoonka waddanka Nigeria oo booqasho lama maalmood ah ku yimid Muqdisho, caasimada Soomaaliya, ayaa wuxuu la kulmay dhigiisa, sidda laga soo xigtay warar xog ogaal ah.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Axmed Abubakar Rufaaci ayaa shirkooda gaarka ah ku lafa guray arrimaha mukhaabaraadka.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya, laba mas'uul ayaa qalinka ku wada duugay is-afgarad iyo heshiisyo dhanka sirdoonka ah.

"…waxayna kala saxiixdeen isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal," ayaa lagu yiri qoraalka oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA oo lagu soo bandhigin sawirada.

War-saxaafadeedka kooban ayaa sidoo kale waxaa nan lagu fahfaahin arrimaha ay iskaashiga iyo wadashaqeynta ka yeelaayaan.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa qeexaya in ay kamid yihiin qodobada ay isla meel-dhigeen is-weedaarsiga macluumaadka argagixisadda.

Bishii September ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii Agaasimaha Sirdoonka Angola, José Luís Caetano Higino de Sousa, uu socdaal ku yimid Muqdisho, isaga kala xaajoodey Fahad isdhaafsiga khibradaha.

Macluumaadyo laga helay kulankooda ayaa tilmaamaya in Fahad Yaasiin Daahir lagu wareejiyey xogo dheeri oo ku saabsan shaqsigii ka dambeeyay qaraxii ka dhex-dhacay Daalle Airlines, kaas oo burbur sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM