NISA oo baahisey muuqaalka ruux loo xiray qaraxii Soobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa durba waxay soo bandhigtay muuqaalka ninkii ka dambeeyay qaraxii Sabtida maanta ah ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay gaari walxo qarxa lagu xiray ayaa sababay dhaawaca laga ruux iyo burbur soo gaarey goobo ka akdhowaa halka oo ku qarxay oo ah isgoyska 17 October Ex-Soobe.

Shirqoolkaas ayaa waxaa lala damacsanaa "mas'uul" la sheegay in uu ka tirsanaa shaqaalaha madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, kaasoo aanu waxba ku noqon falkaas.

La tuhunsanaha ayaa la qabtay markii uu arkay ninka iska leh gaariga kaasoo racdeystay isla markaana uu ku guuleystay in uu gacanta kusoo dhigo kadib caawimaad uu ka helay ciidanka.

Xudeyfa Daa'uud Yuusuf oo kasoo muuqday muuqaal soconaya hal daqiiqo iyo 23 ilbiriqsi ayaa wuxuu sheegay in uu markii hore kasoo dhaqaajiyey degmadda Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Sidda laga soo xigtay qirashadiisa, wuxuu muddo saacado ah kusoo hakaday xaafadda Beerta Jaadka ee degmadda Hodan isaga oo kadibna u soo gudbay isgoyska Banaadir oo isla degmadda ah.

Ma uusan lahayn bartilmaameed cad. Isgoyska Soobe ayuu kadib u soo talaabay halkaas oo uu kaga degay gaari rakaab ah oo uu kasoo raacay isgoyska Banaadir.

Qof uusan carabaabin waxa uu yahay iyo magaciisa, sidda uu hadalka u dhigay, ayaa soo wacay isaga isla markaana waydiiyey halka uu joogo iyo waxa uu arkayo.

Ruuxa lasoo hadlaya ayaa faray in uu qaraxa ku dhejiyo gaari taariko aan lahayn isla markaana Miyaaradihiisu yihiin madow, talaabadaas oo isaga oo ku jira ay qabteen laamaha nabad-gelyadda.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyada falkan oo kusoo aadaya xili mudooyinkii dambe aysan magaaladda ka dhicin wax qaraxyo ah. Balse Xudeyfa wuxuu sheeganayaan Al-Shabaabnimo.

Isgoyska Soobe, oo ah mid mashquul badan maadaama uu isku xiro degmooyin badan, ayaa waxaa lagu xasuustaa qaraxii weynaa ee galaaftay boqolaal kaasoo loo adeegsaday gaari xamuul ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM