Sirdoonka Soomaaliya oo soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay soo bandhigtay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

NISA oo qoraal kooban ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa xustay in lasoo qabtay ninkan isaga oo doonayey in uu tuuro Bam-gacmeed.

Qoraalka oo lasoo raaciyey sawirka ruuxaan ayaa waxaanan lagu carabaabin magaciisa, halka laga soo xiray iy qaabka loosoo qabtay.

"…waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka," ayay tiri hay'adda. "Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh".

Bishii hore ee November, 23-keeda, ayay ahayd markii NISA ay soo bandhigtey nin magaciisa ku sheegay Xudeyfa oo ku eedeysan qarax.

Qaraxaas oo ka dhacay isgoyska Soobe ee Muqdisho ayaa waxaa ka badbaaday nin la sheegay in uu ka shaqeeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkaas, hase ahaatee, laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM