Siyaasi 25 qoys dhisay Mandheera

Image
Xildhibaan Xuseen Weytan ayaa isu guuriyay 25 dhalinyaro Rag ah iyo 25 Haween ah.

Mandheera (GO) - Xildhibaan Xuseen Weytan Maxamed oo ah xildhibaanka Bariga Mandheera ku matala aqalka Barlamaanka ee Kenya ayaa isu guuriyay 25 dhalinyaro Rag ah iyo 25 Haween ah.

Munaasabad ay si wayn uga soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Gaarisa ayaa Culimada caanka ah ee deegaanku isku mehriyeen 25 Rag ah iyo 25 Dumar ah.

"Haduu ilaahay idmo sanad kasta bisha u danbaysa 25 qoys ayaan dhisayaa. Waxaan kale oo aan gacanta ka saarayaa hadda qoys kasta bisha soo socota wixii kharash ay ku noolaan lahaayeen".

Arintaan ayaa bogaadin kala kulantay culimada deegaanka waxaana ay ku tilmaameen mid toos u taabanaysa dhaqanka iyo nolosha taran ee Bulshada deegaanka.

Dalalka Carabta ayaa horey dhacdooyin noocaan ah looga arki jiray balse wuxuu noqonayaa siyaasigii ugu horeeyay ee ku dhiirada in uu ka hirgeliyo dadka uu matalo in uu qoysas dhiso.

Dhalinyarada dhulka soomaalidu degto ee geeska Afrika ayaa ah kuwa aad uga dhex muuqdo hardana siyaasadda hadana inta badan Siyaasiyiintu ma qabtaan waxyaabaha toos iyaga u taabanaya sida shaqo Abuurka iyo Guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM