Siyaasiyiin horleh oo ku qulqulaysa magaalada Baardheere

Image
Qaar kamid ah shaqsiyaadkan waa markii ugu horeysey oo ay tagaan gobolka Gedo.

KISMAAYO, Jubaland - Siyaasiyiin hor leh ayaa ka degey magaalada Baardheere, iyaga oo ku biirey kuwa halkaasi ku sugnaa muddooyinkii lasoo dhaafay, sidda ay xaqiijinayaan warbixinadda laga helayo illo war-gal ah.

Qaar kamid ah shaqsiyaadkan waa markii ugu horeysey oo ay tagaan gobolka Gedo. Xubnahaas waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Raabbi oo horey ugu tartamay xilka madaxtinimada Jubbaland 2019-kii.

Qulqulka siyaasiyiintan ayaa kusoo hagaagaysa xilli lagu waddo in madaxwyane Xasan Sheekh Maxamuud uu u socdaalo gobolka Gedo si xal loogu helo cabashooyinka siyaasadeed ee taagan.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu todobaadyo kahor tagay Kismaayo halkaas oo uu kula kulmay madaxwayne Axmed Maxamed Islaam isaga oo kala hadlay arrimo ay ku jirto xalka xiisadda gobolka Gedo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay shirkaas ayaa xaqiijinaya in arrimo ay isku-waafaqeen ay kamid tahay socdaalka Xasan Sheekh ee Gedo iyo in uu qeyb ka noqdo xalinta tabashadda dadka degaanka.

Dhanka kale, warar ayaa ku waramaya in Baardheere laga furey xero lagu xareeyay ciidamo cusub, kuwaas oo la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dib u xoreynta Jubaland sida uu sheegay Senator Cabdullaahi Fartaag.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in uu doonayo yagleelida Jubaland mideysan si ay qeyb uga noqoto wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM