Siyaasiyiinta dalka oo u dabaal-degay guusha Maayar Naadiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo loogu hambalyaynayo guusha ay gaartay Naadiya Cabdirisaaq Maxamed oo ku guulaysatay in ay noqoto Maayarka magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka.

Xildhibaan Sacdiya Samatar oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka BJFS oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in Naadiya tusaale u tahay gabar kasta oo Soomaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Macallin Fiqi ayaa yiri:

“Guusha Naadiya waa guul dadka Soomaaliyeed u soo hoyatey gaar ahaan dumarka Qurba-joogta ah oo kaalimo Hormuudnimo ah uga jira siyaasadda wadamada ay ku dhaqan yihiin”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur: ”Naadiya guusha ay gaartay waa mid weyn waxayna tusaale u tahay Gabdhaha Soomaaliyeed”

Naadiya ayaa noqotey gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Ameerikaan ah ee duq magaalo ka noqoto magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM