Siyaasiyiinta dalka oo u dabaal-degay guusha Maayar Naadiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo loogu hambalyaynayo guusha ay gaartay Naadiya Cabdirisaaq Maxamed oo ku guulaysatay in ay noqoto Maayarka magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka.

Xildhibaan Sacdiya Samatar oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka BJFS oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in Naadiya tusaale u tahay gabar kasta oo Soomaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Macallin Fiqi ayaa yiri:

“Guusha Naadiya waa guul dadka Soomaaliyeed u soo hoyatey gaar ahaan dumarka Qurba-joogta ah oo kaalimo Hormuudnimo ah uga jira siyaasadda wadamada ay ku dhaqan yihiin”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur: ”Naadiya guusha ay gaartay waa mid weyn waxayna tusaale u tahay Gabdhaha Soomaaliyeed”

Naadiya ayaa noqotey gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Ameerikaan ah ee duq magaalo ka noqoto magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM