Somalia

Image
January:
 
January 01, 2014 — Xildhibaannada  Barlamanka cusub ee Puntland oo tiradoodu ahayd 66 mudane ayaa lagu dhaariyey xarunta Barlamanka ee magaalada Garowe, isla maalintaas Barlamanka Federaalka ayaa ansixiyey miisaaniyada dowlada ee sanadka 2014 . Miisaaniyadda oo dhameyd 56,282,615 doollar waxaa ogolaaday 169 xildhibaan..
 
Fiidnimadii taariikhdu ahayd January 01, 2014 labo qarax oo loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay iridka hore Hotel Jazira ee magaalada Muqdisho. Qaraxyada waxaa ku dhintey 11 qof oo saraakiil booliska ka tirsani ku jireen 40 qof oo kalena way ku dhaawacmeen.
 
January  02, 2014 — Shan qof ayaa ku geeriyoodey magaalada Kismaayo kadib markii ay soo duntey buur carro-kaawada laga qodo. Dhammaan dadka geeriyoodey waxay ka tirsanaayeen shaqaalihii goobtaas ka hawl gelayey.
 
January  03, 2014 — Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in Soomaaliya laga caawiyo dhinacyada Amniga iyo horumarinta, iyagoo dhanka kale dalalka caalamka ugu baaqay inay laba jibbaaraan taageerada la siiyo Soomaaliya. Isla maalintaas Booliska Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ku xirey Wariye Faysal Jaamac Aadan oo ka mid ahaa  wariyeyaasha ka howlgala gobolka Sool kadib markii uu isku dayey inuu sawirro ka qaado dad dibadbax dhigayey.
 
January 04, 2014 — Barlamanka Puntland ayaa doortay guddoonka cusub ee golaha. Gudoomiyaha Barlamanka waxaa loo doortey Siciid Xasan Shire, Gudoomiye ku-xigeenka koowaadna waxaa ku guuleystey Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam halka Xuseen Yaasiin Diiriye loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka. Isla January 4, ciidamada gaarka ah ee Somaliland ee RRU-da loo yaqaan ayaa gurigiisa kala baxay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar. Mas'uulkaas waxaa lagu soo eedeeyey inuu ka dambeeyey rabshado ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Oodweyne.
 
January 05, 2014 — Guddiga doorashada madaxtinimada ee Barlamanka Puntland ayaa shaaciyey shuruudaha laga rabo murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka. Shuruudaha murashaxiinta lagu xiray waxaa ugu mihiimsanaa:
  • Inuu yahay muwaadin u dhashay Puntland, Muslim ah islmarkaana aan qabin haweeney ajnebi ah.
  • In murashaxa madaxweynuhu uu bixyo khidmad dhan $10,000 (toban kun oo doolar) murashaxa xilka madaxweyne ku-xigeenkuna uu bixiyo $5,000 (Shan kun oo doolar).
  • In shantii sano ee ugu dambeysey hantidiisa khaaska ah aanay maxkamadi xannibin islamarkaan aan lagu helin khiyaamo qaran.
  • Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo hoggaamineed.
  • In da'diisu aanay ka yarayn 40 sano.
  • Murashaxiintu waxay ka imaan karaan baarlamaanka dhexdiisa iyo dadweynaha caadiga ah.
 
January 06, 2014 — Guddiga doorashada ee Barlamanka Puntland ayaa soo bandhigay magacyada murashaxiinta ka qayb gelaya doorashada madaxtinimada. Isla habeenimadii bisha January 6da ahayd waxaa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ku geeriyoodey -AHN- Qoraa Aw Jaamac Cumar Ciise oo kamid ahaa kuwa ugu caansan qalinleyda soomaaliyeed. 
 
Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu ku dhashay miyiga degmada Qandala ee gobolka Bari sanadkii 1922, wuxuuna wax ka qoray suugaanta iyo sooyaalka Soomaalida. Sanadkii 1954 ayuu bilaabay qoraalka wuxuuna ka tegey buugaag badan oo dhaxal gal ah.
 
January 07, 2014 — Murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee dhacday sanadkii hore ayaa Barlamanka ka hor akhriyey khudbado ay kusoo bandhigeen taariikh nololeedkooda oo kooban iyo waxyaabaha ay qaban doonaan hadii la doorto.
 
January 08, 2014 —  Waxaa dhacday doorashadii madaxtinimada Puntland ee lagu soo doortey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camey.
 
January 09, 2014 — Al-shabaab ayaa soo saartay amar ay ku mamnuucayso adeega internetka ee telefoonada gacanta laga isticmaalo iyadoo muddo 15 maalmood ah u qabatey shirkadaha isgaarsiinta, isla maalintaas waxaa qarax ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho lagu diley gudoomiyihii hore ee deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellda Hoose Cabdullaahi Jaamac Siyaad (Jabeey).
 
January  11, 2014— Dowlada Maraykanka ayaa shaacisay in tobannaan ciidamadeeda ka tirsani Soomaaliya joogaan islamarkaana gacan ka siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.
 
January 14, 2014— Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Garowe ayaa waxaa si rasmi ah xilka ugula kala wareegey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole iyo madaxweynaha xilligan Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
 
January 15, 2014—  Madaxweyne Gaas ayaa agaasimaha madaxtooyada usoo magacaabay Deeq Suleymaan Yuusuf. Deeq wuxuu ahaa mas'uulkii ugu horreeyey ee Cabdiweli Gaas doorashadiisii kadib xil usoo magacaabo.
 
January 17, 2014— Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa soo dhisay xukuumad ka kooban 55 xubnood oo isugu jirey 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo shan wasiiru dowle.
 
January 19, 2014— Dowlada Federaalka iyo Maamulka Somaliland ayaa heshiis hordhac ah oo dhowr qodob ka koobnaa ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Heshiiska waxaa labada dhinac u kala saxiixay wasiirkii hore ee amniga  qaranka Somalia Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
 
January 20, 2014— Waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday munaasabad ballaaran wufuud tiro badanina kasoo qayb gashay taasoo lagu caleema saaray madaxda maamulka Jubaland. 
 
January 21, 2014— Xildhibaannada Barlamanka Federaalka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey golihii wasiirada xukuumadii Ra'isal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ee bil kahor kalsoonida lagala noqdey. 
 
Isla maalintaas labo qarax ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacayo gaar ahaan inta u dhexeysa isbitaalka GMC iyo suuqa Barwaaqo. Qaraxyada oo loo adeegsaday miinooyinka meelaha fog laga hago waxaa ku dhintay 5 qof iyadoo lix qof oo kalena ku dhaawacmeen. Dhamaaan dadka qaraxaas ku waxyeeloobay ayaa rayid ahaa mana jirto cid mas'uuliyadda labadaas weerar sheegatay inkastoo saraakiisha ammaanka gobolka Mudug ku eedeeyeen Al-shabaab.
 
January 22, 2014— Ciidamada Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu soo biiray hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM, isla maalintaas waxaa la dhaariyey Wasiiradii ku jirey xukuumadii Ra'isal Wasaare Cabdiweli Sheekh  Axmed waxaana soo xirmay kal-fadhigii 4aad ee Baralmanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.
 
 
January 24, 2014— Xaflad si weyn loosoo agaasimey oo lagu caleemo saaray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Camey ayaa ka dhacday madaxtooyada Garowe. Xafladda waxaa kasoo qayb galay wufuud ka socotey: Qaramada Midoobay, Maraykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, dalalka Soomaaliya deriska la ah, Turkiga, Qadar, Kuwait, Norwey, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamullada kale ee dalka kajira.
 
January 25, 2014— Dagaal ayaa buuraleyda Galgala ku dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab. Wasiirkii hore ee amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maalintaas shir-jaraa'id ku qabtey Garowe wuxuu sheegay in dagaalku bilowday kadib markii ciidamada Puntland weerar ku qaadeen fariisimaha Al-shabaab. Col. Mudan oo ka hadlayey khasaaraha dagaalkaas ka dhashay wuxuu sheegay inay ku dileen shan ka tirsanaa Al-shabaab todoba kalena ku dhaawaceen, dhanka dowlada wuxuu sheegay in hal askari dagaalka kaga dhintay.
 
Isla maalintaas habeenimadeedii waxaa magaalada Gaalkacayo gaar ahaan agagaarka Hotel Cagaarweyn  ee xaafada Garsoor lagu toogtey Cabdi Maxamed Aadan (Cabdi dheere) oo ahaa madaxii xafiiska hay'adda NRO ee gobolka Mudug.
 
January 26, 2014— Waxaa Xarunta Wasaarada Amniga ee magaalada Boosaaso lagu soo bandhigay qalab iyo hub dowladu sheegtay in lagu soo qabtay hawlgal ciidamadu maalin kahor ka sameeyeen buuraleyda Galgala.
 
January 27, 2014— Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Nugaal ayaa magaalada Garowe lagu diley. Dilka nabadoonka waxaa la xaqiijiyey salka ku hayey aano qabiil.
 
January 28, 2014— Madaxweynaha Puntland ayaa soo magacaabay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeeno iyo weliba wasiiru dowleyaal.
 
January 30, 2014— Maamullada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ayaa magaalada Gaalkacayo ku kala saxiixday heshiis 11 qodob ka koobnaa nuxurkiisuna ahaa dib u heshiisiin iyo in labada maamul dhinacyada horumarka iyo ammaanka iska kaashadaan.
 
January 31, 2014— AHN Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soomaaliya ra'isal wasaare kasoo noqdey intii u dhexeysey sanadihii 1964  illaa 1967 ayaa ku geeriyoodey magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.
 
 
 
 
 
February:
 
February 01, 2014- Xubnaha Golaha Wasiirrada Puntland ee Madaxweyne Cabdiweli Gaas soo magacaabay ayaa Garowe lagu dhaariyey. 
 
February 02, 2014- Booliska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xirey mas'uuliyiin ka tirsanaa Dowlada Federalaaka. Mas'uuliyiinta oo tiradoodu saddex ahayd laguna magacaabo Maxamed Jaamaac, Fahiima Nuur Nageeye iyo Cabdicasiis Aadan waxay ka kala tirsanaayeen madaxtooyada, xafiiska ra'isal wasaaraha iyo wasaarada arimaha dibada. Baaritaan kadib xoriyadooda ayaa dib loogu soo celiyey kadib markii la xaqiijiyey inay halkaas transit ku marayeen. 
 
Isla maalintaas waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtey guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada Dharkeynley oo lagu magacaabi jirey Macalin Cabdulle Cali Hilowle.
 
February 03, 2014- Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay buuraleyda Galgala.  Dagaalka oo socdey mudo saddex saac ku dhow, wuxuu bilowday kaddib markii Al-shabaab hoobiyeyaal kusoo duqeysey fariisimo ay deegaannadaas ku leeyihiin guutooyin ka tirsan Ciidamada Daraawiishtu. Sida uu xaqiijiyey Abbaanduulaha Ciidamada Daraawiishta ee ku suggan aagga tuulada Galgala G/le. Maxamed Saleebaan Caabi waxaa dagaalka lagu diley labo ka tirsanaa Al-shabaab dhanka dowladana waxaa dhaawac fududi soo gaarey labo askari.
 
February 04, 2014- Xildhibaannada Barlamanka Puntland ayaa ansixiyey xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. 55 xildhibaan oo fadhiga maalintaas soo xaadiray ayaa dhammaantood xukuumadda siiyey codka kalsoonida.
 
February 05, 2014- Ciidamada Somaliland oo kaashanaya sirdoonka Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed Axmed (Carabey). Hawlgalka ninkaas lagu soo qabtay wuxuu ka dhacay meel u dhow xadka Itoobiya.
 
February 06, 2014- Waxaa la diley Sheekh caan ka ahaa magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jirey Cabdixamiid Sheekh Cabdibaarri Fiqi kaasoo ay qaraabo dhow ahaayeen wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.
 
February 07, 2014- Ra'isal wasaarihii hore ee Somaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Aaska waxaa ka qayb galay madaxda ugu sareysa Dowalada Federaalka, Puntland iyo wufuud ka kala timid dalalka deriska.
 
February 10, 2014- Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeelada Hoose Axmed Cumar Mudane ayaa isku day dil ka badbaadey kadib markii uu ku qarxay bam gaarigiisa loogu xiray xilli uu marayey jidka KM4.
 
February 11, 2014- Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukuno kala duwan ku ridey saddex nin oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Magacyada saddexda nin iyo xukunada lagu ridey ayaa ahaa sidan: 
 
1-C/raxmaan Muuse Cismaan - xabsi daa'im.
2-C/xakiim Cabdulaahi Xundul - xarig toban sano ah.
3-C/xakiim Cumar Gudduudow - xarig shan sano ah. 
 
February 12, 2014- Shabakadaha xiriirka bulshada ayaa lagu faafiyey war markii dambe been noqday oo ahaa in uu geeriyoodey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaas safar caafimaad dalka Turkiga u joogey.
 
February 13, 2014- Lix qof ayaa ku dhimatay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho. Qaraxa oo mas'uuliyadiisa Al-shabaab sheegatay waxaa lala bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo saraakiil Qaramada Midoobay ka tirsani la socdeen. 
 
Isla maalintaas kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cuna-qabateynta hubka ayaa shaacisay warbixin ay ku sheegtay in hubka dowlada laga iibiyo Al-shabaab.
 
February 14, 2014- Ciidamada Somaliland ayaa qabsaday deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Sool.
 
February 17, 2014- Taliyihii nabad-sugidda maamulka Jubaland Ciise Kaambooni ayaa magaalada Kismaayo lagu diley, Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka. Isla maalintaas Qaramada midoobay ayaa abaalmarin Garowe ku guddoonsiisey afar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala Puntland. Wariyeyaasha abaal marinta la guddoonsiiyey ayaa kala ahaa: Maxamed Salaad Xaaji Dirir, C/raxmaan Axmed Yuusuf(Faratol), Cabdi Xasan Awoowe iyo C/raxmaan Cabdi Maxamed (Xudeyfi). 
 
February 21, 2014- Al-shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Weerarka oo isugu jirey is miidaamin iyo tacshiirad toos ah waxaa ku dhintay 11 qof oo mas'uuliyiin dowlada ka tirsani ku jireen 20 kalena way ku dhaawacmeen. Dadka weerarkaas lagu diley waxaa kamid ahaa: Jen. Nuur Shirbow oo ahaa taliye ku xigeenka hay'adda nabadsugidda iyo Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indha-case) oo ahaa agaasimihii guud ee xafiiska ra'sal wasaaraha. 
 
February 26, 2014- Maamulka Galmudug ayaa Puntland kusoo wareejiyey nin dhallinyaro ah oo ka tirsanaa amniyaadka Al-shabaab kaasoo isaga iyo mid kale tacshiirad huwiyeen dad fadhiyey maqaayad ku taalla xaafada Garsoor dabadeedna u baxsadeen dhanka Galmudug.
 
February 27, 2014- Ugu yaraan 10 qof oo shacab iyo askar isugu jirey ayaa ku dhintay in ka badan 15 qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay agagaarka Baar Fiat ee magaalada Muqdisho.
 
 
 
 
March:
 
March 02, 2014- Ciidanka booliska Somaliland ayaa guri Hargeysa ku yaalla ka helay meydka haweeney ganacsato ahayd oo halkaas lagu aasay. Qoys haweeneydaasi lacag deyn ah oo badan ku lahayd ayaa diley dabadeedna ku dhex xabaalay gurigooda.
 
March 04, 2014- Al-shabaab ayaa degmada Baraawe ku toogtey saddex nin oo ay ku eedeeyeen inay jawaasiis u ahaayeen dowlada Faransiiska, Dowlada Federaalka iyo Puntland. Saddexda nin waxaa lagu kala magacaabi jirey: Geelle Cabdalle, Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole iyo Cabdiraxmaan Cabdiladiif Axmed.
 
March 05, 2014- Ugu yaraan shan ruux oo uu ku jirey taliye ku xigeenkii qaybta booliska ee gobolka Bay, Col. Nishow Kurtun ayaa ku geeriyoodey shan qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowlada Federaalka ku dhex maray bar-kantarool oo taallay meel ku dhow saldhigga booliiska degmada Baydhabo.
 
March 06, 2014- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay xilliga la khafiifiyey cunno qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaana lagu daray muddo sideed bilood ah.
 
March 07, 2014- Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa dagaal xooggan kadib Al-shabaab kala wareegey degmada Xudur ee gobolka Bakool.
 
March 09, 2014- Ganacsade caan ka ahaa deegaanada Jubbooyinka oo lagu magacaabi jirey Xasan Diiriye ayaa lagu diley magaalada Kismaayo.
 
March 10, 2014- Fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed  Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Germany.
 
March 13, 2014- Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa la wareegey degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
 
March 14, 2014- Dowladda Maraykanka ayaa malaayiin doollar u ballan qaaday ciddii gacan ka geysata soo qabashada ama dilka saddex kamid ah saraakiisha sare ee Al-shabaab. Saddexda nin oo midkiiba Maraykanku dul dhigay lacag dhan 3 milyan oo doolar waxay magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Cabdiqaadir Cikrama, Yaasiin Kilwe iyo sarkaalka saddexaad oo magaciisa lagu soo koobay Jacfar.
 
March 16, 2014- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa booqasho aan horay loo shaacin ku tagay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Puntland oo booqashada Siilaanyo ka hadashay waxay ku tilmaantay daandaansi.
 
March 17, 2014- Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo ka dhacay inta u dhexeysa tuulada Laag iyo magaalada Bosaso ku dishey taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Sugurre, Jaamac Siciid Warsame (Afguduud). 
 
March 22, 2014- Col. Cabdiqaadir Xasan Cade ayaa loosoo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada difaaca Puntland ee fadhigoodu yahay buuraleyda Gal-gala. Isla maalintaas ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM  ayaa la wareegey degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose.
 
March 23, 2014- Siddeed oday oo kamid ahaa ergooyinkii ka qayb galay shirkii dhismaha maamulka koonfur galbeed ee lixda gobol ayaa lagu diley duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay xilli ay kusoo jeedeen gobolka Shabeelada Hoose. Dilka odayaasha waxaa lagu eedeeyey Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab eedeyntaas iska fogeysey.
 
March 24, 2014- Ugaaskii beesha Cawramale, Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow ayaa lagu diley magaalada Kismaayo.
 
March 25, 2014- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa markii ugu horeysey booqday fariisimaha ciidamada ammaanka Puntland ee buuraleyda Gal-gala.
 
March 26, 2014- Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.
 
March 27, 2014- Sarkaal sare oo ka tirsaaa ciidamada Jubaland oo lagu magacaabi jirey Maxamed Sure ayaa lagu dilay qarax ka dhacay xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.
 
March 28, 2014- Al-shabaab ayaa Baraawe ku toogtey saddex nin oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen lana shaqeynayeen hay'adda nabadsugida dowladda Soomaaliya. Saddexda nin waxaa lagu kala magacaabi jirey: Maxamed Deeq Xasan Cali , Maxamuud Faarax Sabriye Shuure iyo Cabdinajiib Shire Barre.

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM