Somalia: 32 qof oo ku dhimatay Biyo Sumaysan oo ay cabeen

Image

BAYDHOBO, Somalia- Ugu yaraan 32 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Biyo ay ka cabeen Ceel la sumeeyay, oo ku yaalla deegaanka Masuubiyow ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Deegaankaas oo 20KM u jira Baydhabo ayaa waxaa ku noolyihiin dadweyne isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay.

Mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa tagey deegaanka Masuubiyow, waxaana ay sheegeen in dad gaaraya 20 qof ay la xanuunsan yihiin Biyaha sumaysan ee ay ka cabeen Ceelka.

Waxay uga digeen dadka deegaanka inay cabbaan biyahaas inta laga sifaynayo iyagoo xusay inay dhawaan keeni doonaan adeegyo caafimaad oo kala duwan.

Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Qaar kamid ah dadka biyaha cabey ay xaaladoodu aad u liidato loona qaadey Isbitaallada magaalada Baydhobo, si noloshooda loo badbaadiyo.

Hooyo lagu magacaabo Amran Maxa'ed ayaa sheegtay inay labo caruur ah, oo ay dhashay kamid yihiin dadka u dhintay Biyaha ay ka cabeen Ceelka la sumeeyay.

Al shabaab oo dhawaan laga saarey Deegaanka Masuubiyow oo ku yaalla inta u dhaxayso Baydhobo iyo Deynuunay  ayaa loo malaynayaa inay sumeeyeen Ceelka si ay ugu dilaan Askarta maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM