Somalia: Al shabaab oo dib ula wareegay deegaan ku dhaw Afgooye

Image

AFGOYE, Somalia - Malleeshiyada Kooxda Al shabaab ayaa dib ula wareegtay saaka deegaanka Mareerey, oo ku yaalla duleedka Waqooyi ee degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Goobjoogayaal ayaa GO u sheegay in Qabsashada Mareerey, ayaa ka dambeeyay, markii ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM isaga baxeen Deegaanka.

Mareerey ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal culus, oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al shabaab, kaasi oo lagu dilay ku dhawaad 5 ruux, oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay.

Maamulka degmada Afgooye wali kama aysan hadlin la wareegista deegaanka.

Ma ahan deegaankii ugu horeeyay oo ay ka baxaan ciidamada huwanta ah gobolka Shabeellaha hoose, islamarkaana ay dib ula wareegaan xoogaga ururka Al shabaab.

Inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn waxaa ku xooggan Al shabaab, oo inta badan weeraro jidgal ah, ku qaada Kolonyada gaadiidka ciidanka SNA iyo AMISOM.

GAROWEONLINE


Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM