Somalia: ​Al Shabaab oo Gacanta ka gooysay wiil dhalinyaro ah

Image

GALHAREERI, Somalia - Al Shabaab-ta  ku sugan degmada Galhareeri, ee gobolka Galgaduud ayaa xukun gacan goyn ah ku fuliyay wiil dhalinyaro ah, oo ay ku eedeeyeen fal xatooyo ah.

Xukunka oo ay riday Maxkamad u gaar ah Al Shabaab, ayaa waxaa lagu fuliyay Maxamed Cilmi Jaamac oo 27-sano jir ah, oo lagu eedeeyay inuu Goob Ganacsi ka xaday lacag $319.

Maxa'ed, ayaa gacanta looga gooyay shalay gelinkii dambe meel fagaare ah oo ku taalla degmada Galhareeri, ee gobolka Galgaduud, iyadoo ay goobjoog yihiin dadweyne badan.

Mid kamid ah dadkaasi daawaday Xukunka gacant goynta ah, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha GO u sheegay in Al Shabaab ay Wiilka dhalinyarada ah ay ka jareen gacanta qaybta hore.

Ma jiraan Maxkamado madaxbannaan, iyo qareeno u dooda dadka ay Al Shabaab ku fuliyaan xukunada gacanta goynta iyo Dilalka isagu jiro, oo ay ka gaystaan Koonfurta Somalia.

Al shabaab ayaa xukunada noocan ah waxay ugu talo galeen inay ku cabsi geliyaan dadka ku nool deegaanada ay maamulaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM