​Somalia: Al shabaab oo laga saarey degmada Badhaadhe

Image

BADHADHE, Somalia- Ciidamada maamulka Jubbaland oo garabsanaya AMISOM, ayaa kala wareegay Al shabaab degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose, kadib dagaal xoogan oo geestay khasoorooyin kala duwan.

Dagaal xooggan, oo qaatay mudo saacado ah ayaa waxay u suurta gashay ciidamadaas gudaha u galaan magaalada Badhaadhe, oo ku dhaw xadka Somalia iyo Kenya.

Cabdirashiid Janan oo ah wasiirka Amniga Jubbaland, ayaa xaqiijiyay qabashada degmadaas, wuxuuna meesha ka saaray inaysan jirin wax khasaaro ah oo dhinacooda soo gaaray.

Janan, ayaa intaas ku daray in howgalkan socon doono, kaasoo qayb ka ah howlgal uu ku baaqay in la sameeyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland

Inta la ogyahay 6 qof, oo 4 kamid ah yihiin xubno katirsan Kooxda Al shabaab ayaa ku dhintay dagaalka.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in howlgaas lagu qabsaday Badhaadhe ay qayb ka ahaayeen ciidamo katirsan Maraykanka, inkastoo wasiirka Amniga uu sheegay inay fuliyeen ciidamadooda iyo kuwa AMISOM.

Al shabaab ayaa isaga baxay magaalada dagaalka markii looga adkaaday, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo qadka Taleefonka kula hadlay Warsidaha Garowe Online.

Magaalada Badhaadhe, oo ah magaalo xeebeed ayaa waxay gashay gacanta Al shabaab billowdgii January, sanadkii 2016 markii ciidamada Kenya isaga baxeen weerarkii Ceel Cadde kadib.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM