Somalia: Askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay Hosingow

Image

HOSINGOW, Somalia - Ugu yaraan 7 Askari oo katirsan ciidamada militariga dowladda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Hoosingow, ee gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaal Military oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maclin Gaas ayaa xaqiijiyay in qarax miino lala eegtay Kolonyo ciidamada AMISOM ay wateen, xilli ay kasoo gudbeen xadka Kenya kuna sii jeedeen Hoosingow.

Gaas ayaa sheegay in AMISOM weerarka looga gubay dhowr gaari oo kuwa ciidanka ah iyo hal Booyad.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa miino ee ka dhacay deegaanka Hoosingow.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kolonyada AMISOM ay la socdeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland xilli weerarka, islamarkaana ay jiraan khasaarooyin soo gaarey.

Qaraxa kadib, ciidamada huwanta iyo Al shabaab ayaa dagaal kooban ku dhexmaray goobta, kaasi oo ay isku adeegsadeen hubka culus, oo daryankiisa laga maqlayay tuulooyinka ku dhaw Hoosingow.

AMISOM kama hadlin weerarka, oo kusoo beegmaya xilli Kenya ay sheegtay in 100 xubnood oo katirsan Al shabaab ku dishay deegaanada Wargaduud iyo El-Adde ee gobolka Gedo Jimcihii lasoo dhaafey.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM