​Somalia: Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Shabeellaha hoose

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax miino ayaa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Somalia oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha hoose sida ay sheegayaan wararka uu helayo War-sidaha GO.

Inta la xaqiijiyay, waxaa ku dhinta Labo Askari, waxaana ku dhaawacmay Labo kale.

Weerarka ayaa ka dhacay; deegaanka lagu magacaabo Kabtan-laas, oo ku dhaw Janaale.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa  ah deegaan ay maalintii ciidanku ku baaraan baabuurta habeenkiina ay isaga tagaan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarku dhacay xilli ciidamadu baaritaan ka wadeen bar-taasi Kantarool.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, waxayna sheegeen inay iyaga ku aaseen qaraxa goobtaasi ciidamada lagula eegtay.

Qaraxyada noocaan ah ayaa inta badan ka dhaca Koonfur Somalia, taasoo lala eeganayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM