Somalia: Askar lagu gowracay duleedka Mahadaay

Image

MAHADAY, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa saaka labo Askari oo katirsanaa ciidamada xoogga dalka Somalia ku gowracday deegaan ku yaalla duleedka degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Askarta ladilay oo magacyadooda lagu sheegay Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub waxay ka tirsanaayeen guutooyinka 1-aad iyo 2-aad ee milleteriga Dowladda federaalka Somalia.

Labada Askari oo watey AK-47, ayay Al shabaab kala degtay Gaari Rakaab ah, oo ay kasoo raaceen saaka deegaanka Biyo Cadde, xilli ay marayeen meel ku dhaw degmada Mahadaay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijiyay in Al Shabaab ay meel fagaaro ah oo ku yaalla duleedka Mahadaay ay si arxan darro ah ugu gowraceen Labadaasi Askari.

Al shabaab ayaa ku hanjabtay inay dili doonto Askari kasta, oo katirsan dowladda oo ay ku qabato jiida dagaalka ama isagoo maraya wadada deegaanada ay maamusho ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Kooxda Al shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa horey u dhishay askar badan oo katirsan dowladda Somalia iyo AMISOM, kuwaasi oo ay ku qabatay dagaallada iyo weerarada ay ku qaado saldhigyadooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM