Somalia: Askar lagu gowracay duleedka Mahadaay

Image

MAHADAY, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa saaka labo Askari oo katirsanaa ciidamada xoogga dalka Somalia ku gowracday deegaan ku yaalla duleedka degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Askarta ladilay oo magacyadooda lagu sheegay Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub waxay ka tirsanaayeen guutooyinka 1-aad iyo 2-aad ee milleteriga Dowladda federaalka Somalia.

Labada Askari oo watey AK-47, ayay Al shabaab kala degtay Gaari Rakaab ah, oo ay kasoo raaceen saaka deegaanka Biyo Cadde, xilli ay marayeen meel ku dhaw degmada Mahadaay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijiyay in Al Shabaab ay meel fagaaro ah oo ku yaalla duleedka Mahadaay ay si arxan darro ah ugu gowraceen Labadaasi Askari.

Al shabaab ayaa ku hanjabtay inay dili doonto Askari kasta, oo katirsan dowladda oo ay ku qabato jiida dagaalka ama isagoo maraya wadada deegaanada ay maamusho ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Kooxda Al shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa horey u dhishay askar badan oo katirsan dowladda Somalia iyo AMISOM, kuwaasi oo ay ku qabatay dagaallada iyo weerarada ay ku qaado saldhigyadooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM