Somalia: Burcad Badeed afduubatay Markab Xamuul Siday

Image

Kooxo la sheegay inay katirsanyihiin Burcad Badeedka Somalida ayaa lagusoo waramayaa inay af-duub u gaysteen Markab Xamuul oo marayay bad-weynta Hindiya.

Afduubka ayaa dhacay maanta oo Sabti ah 08 Bisha Afraad, 2017, waxaa loo gaystay markab ku gooshayay calanka Jaziiradda Tuvalu oo ku taala koofurta badweynta Baasifika.

Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganaysa Sarkaal katirsan ciidamadda Badda Puntland, ayaa xaqiijisay in markabkan oo magaciisa lagu sheegay OS35 uu gacanta ugu jiro Burcad Somali ah.

Lama sheegin goobta lagu afduubtay iyo xilliga weerarku dhacay halka uu u socday Markabkaas.

Wali lama xaqiijin tirada dadka saaran iyo badeecada uu siday waxay ahayd, balse Shirkadda dhinac amniga badaha adduunkuna ayaa aaminsan in markabkan uu gacanta u galay burcad-badeed Somali ah.

Shirkadda Britian u qaabilsan howlgallada ganacsiga badda ee UKMTO, laanteeda qaabilsan gacanka cadan iyo badda cas, waxay sheegtay inay fariin ka heleen markabka  xili hore oo maalintii sabtida.

Waxay xuseen in shaqaalaha Markabka sarnaa ay ku wargaliyeen shirkadda in mallayshiyaad hubaysan ay kor usoo fuuleen islamarkaana la wareegeen maamulka Markabka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli la aaminsanyahay inay dib usoo laabteen falalkii burcadda kadib marii marakiib kala duwan la qafaashay bishan dhexdeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM