Somalia: Culimada oo iclaamisay in la Soomo Afar Bari

Image

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Ayaa ku dhawaaqday 4 Maalin oo Soon ah iyo In Maalinta Sabtida ah Dalka Oo Dhan Laga Oogo Salaad Roob Doon ah.

Afarta Maalin ayaa Hay’addu Sheegtay in ay ka bilaabaneyso Maalinta Arbacad ah ee nasoo Aadan, Maalinta Afaraad ee Sabtiga ahna Dalka oo dhan laga Oogo Salaad Roob Doon ah iyadoo dadlku ay Soomaanyihiin.

Hadalkaan ayaa Waxaa Barnaamij ka baxay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo Kale Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku boorriyay umadda Soomaaliyeed in ay iscafiyaan ayna badiyaan Baryadda Alle si uu Eebe nooga dulqaado Abaarta iyo Colaadda ku soo noqnoqotay Soomaaliya.

Baaqa Hay’adda Cilimada ayaa ku soo beegmaya iyadoo Xaalado Bani’aadanimo oo aad looga deyrinayo ay taagantahay dalka Soomaaliya.

Maaliyiin kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa qarka u saaran Macaluul, iyadoo qaar kamid ah gobollada dalka laga soo sheegayo in dadku ay u Le’anayaan Cudurrada Faafa ee ka dhashay Macluusha.

SONNA

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM