​Somalia: Dagaal kasocda degmada Afgooye

Image

AFGOOYE, Somalia- Kooxda Al Shabaab ayaa weerar xooggan goor dhaweyd kusoo qaaday Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, sida uu Garowe Online u xaqiijiyay Guddoomiyaha degmadaasi Cabdinaasir Caalim Ibrahim.

Waxaa iminka dagaal toos ah uu dhexmarayaa ciidamada dowladda iyo mallayshiyaad katirsan Al Shabaab, kuwaasoo la sheegay in weerarka ay kasoo qaadeen dhinaca deegaanka Mareeray.

Lama oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinaca, balse waxaa dagaalka oo marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya laga dareemayaa guud ahaan degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Mar aan Guddoomiyaha degmada ka codsanay inuu faah faahin naga siiyo khasaaraha, wuxuu sheegay inuusan tafaasiil dheeraad ah bixin karin maadama dagaalku wali socdo isaguna ku howllanyahay sidii kooxdaas degmada looga saari lahaa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo katirsan dowladda ay kusoo baxeen dhinaca degmada Afgooye, kuwaasoo qorshahoodu yahay inay ka saaraan Al Shabaab halkaasi.

Dhowr jeer oo hore kooxda Al Shabaab ayaa dagaal kusoo qaaday degmada Afgooye kaasoo ay ku dhinteen ciidamo katirsan dowladda.

Waa weerarkii labaad oo dhacay sannadkan bilowga ah kaasoo u dhaxeeya mallayshiyada Shabaab iyo ciidanka dowladda.

Kooxdan xiriirka la leh Al Qacida ayaa sii kordhisay howlgalkeeda ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxayn tiro weeraro ah ka gaysatay koonfur Somalia, kaasoo uu ku jiro qarax lagu dilay  6 askari degmada Buurhakabo ee gobolka Baay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM