​Somalia: Dagaalka Afgooye oo is-taagay

Image

AFGOOYE, Somalia- Dagaal xooggan ayaa galabta ka dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose xilli shacabka degmadaasi isu diyaarinayeen inay guryahooda u dheelmadaan.

Dagaal muddo saacado ah socday ayaa iminka is-taagay waxaana ciidanka dowladda Somalia ku guulaysteen inay dib ugu celiyaan Kooxdaas fariisinkoodi ay weerarka kasoo qaadeen.

Al Shabaab ayaa dagaal kasoo qaaday dhinaca deegaanka Mareeray.

Majirto ilaa hadda khasaaro rasmi ah oo dagaalkaasi sababay, balse dad goob joogayaal ah ayaa Garowe Online u sheegay inay dhinteen ilaa ku dhawaad 5 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira ciidamo katirsan dowladda Somalia, halka dhaawacyo badan jiraan.

Dadka geeriyooday qaybtood rasaasta ay ugu tagtay guryahooda.

Xaaladda degmada Afgooye ayaa iminka dagan, waxaana saamaynta weerarkaasi laga dareemay guud ahaan magaalada.

Majirto wax war ah oo kasoo baxday ilaa hadda dhinaca dowladda Somalia iyo maamulka degmada Afgooye.

Balse, kooxda Al Shabaab ayaa barahooda Internetka soo dhigay qoraal ay ku sheegayaan inay ku dileen dagaalkaas saraakiil katirsan ciidamada dowladda Somalia.

Weerarkii galabta ayaa keenay in kooxdaasi gacanta ku dhigto xaafado kamid ah Afgooye sida; Godey iyo Baal-Guri.

Wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaan idiin kusoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM