Somalia: Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku dhiibay

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Gaanshaadhiga Somalia Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in tiro ka badan 50 Dagaalyahan oo kasoo goostey Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Xoogga dalka.

Wasiirka ayaa xusay in Labadii Dagaalyahan ee ugu dambaysay ay iska dhiibeen shalay deegaanka Laanta Buuro, iyagoo ka yimid dhanka Tuulada Gandershe, oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. 

"Kuwa maanta aniga gacantayda kusoo wareejiyay waa Labo dhalinyaro oo dad'doodu u dhaxaysa 20 illaa 24, kuwaasi oo kasoo goostey Gandershe oo ku dhaw Marka," ayuu yiri Wasiirka Difaaca Somalia. 

Wuxuu kaloo sheegay Wasiirka in ay jiraan dhalinyaro kale oo iska dhiibay gobollada Koonfurta, gaar ahaan Hiiraan iyoo Baay, oo hadda ku jira gacanta dowladda, lana geeyay goobo lagu dhaqan celinayo. 

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in cafis loo fidyay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab, ay soo kordhayeen dagaalamiyaasha isasa soo dhiibaya. 

Si kastaba, Al shabaab kama aysan hadlin warka Wasiirka Gaashaandhigg, ee ku aadan dhalinyarada isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM