Somalia: Haweenay 15 sano lagu xukumay oo Xabsiga ku geeriyootay

Image

MUQDISHU, Somalia- Haweeynay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Somalia ku eedaysay inay xiriir la leedahay ururka Al Shabaab ayaa ku geeriyootay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdishu, sida uu sheegay taliye ku xigeenka Xabsiga Dhexe  General Maxamed Sheekh Cumar.

Deeqo Diraac ayaa xukun 15 sano ah lagu riday sannadkii 2014 kadib markii Maxkamaddu sheegtay inay ku heshay dambi ah inay kooxda Al Shabaab cuntada u karin jirtay islamarkaana hubka u qarin jirtay.

Xukunka Deeqo wxaa kula jiray labo nin oo kale kuwaasoo loo haystay dilka gabar ardayad aheyd oo lagu magacaabi jiray Nafisa Cusmaan oo la dilay bishii April ee sanadkaas.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ku xukuntay Shaafici Cabdi Xersi iyo Xasan Maxamuud Cabdi oo qirtay inay dileen Nafisa, waxaana bishii July ee sanadkii 2014 lagu fuliyay qisaasta ciqaabta ay mutaysteen.

Balse Deeqo ayaa ilaa waqtigaas ku jirtay xabsi ku yaalla magaalada Muqdishu, waxaana muddooyinkii dambe soo baxayay warar sheegaya inay xanuunsantahay.

Geerida Deeqo ayaa loo sababeeyay Xanuunka Macaanka, waxayna jiraneyd muddo 45 casho ah sida uu sheegayo Taliye ku-xigeenka Xabsiga dhexe General Maxamed Sheekh.

Taliyaha ayaa sheegay in mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaala xabsiga dhexe ee Xamar mudadaasina ay la tacaalayeen xaaladeeda caafimaad  dhaqaatiir ka kala socday Isbitaalka Keydsaney iyo kuwa isbitaalka Xabsiga dhexe, islamarkaana baaritaan kadib la xaqiijiyey inay qabtay xanuunka Macaanka.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM