Somalia: Haweenay lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Dabley hubaysan ayaa caawa fiidkii kuu dishay magaalada Muqdishu Haweenay shacab ah, oo kamid ah ahayd Ganacsatada dharka ku iibisa suuqa Siinaay ee degmada Wardhigley.

Haweenayda la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Xaliimo Cabdi Xayle, waxayna inta badan iibin jirtay dharka lasoo isticmaalo ee loo yaqaano Huudhayda, sida ay dadka Goob joogiyaasha u xaqiijiyeen Warsidaha GO.

Labo dhalinyaro ah, oo ku hubaysanaa bastoolado ayaa qaarijiyay Xaliimo, xilli ay Gurigeed kusii jeeday. Lama oga sababta loo dilay Hooyada Soomaaliyeed iyo kuwa dilay waxay yihiin.

Sarkaal katirsan booliska dowladda Somalia ayaa sheegay inay baxsadeen dablaydaas, isagoo intaasi ku daray inay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan cida ka dambaysay falkan.

Dilkan ayaa ugu dambeeyay dilal qorsheysan oo mudooyinkii dambe ka dhacay Muqdishu, kuwaasi oo intooda badan ay sheegatay kooxda Al shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM