Somalia iyo Turkiga oo Hishiis kala saxiixday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey- Kulan labo geesood ah ayaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee Ankara ku dhexmaray Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta dalkaas oo horkacayo Edogan.

Shirkaas ayaa looga hadlayay xiriirka labada  dalka iyo sidii loo hormarin lahaa calaaqaadka iminka ka dhaxeeya xukuumadaha Ankara iyo Muqdishu.

Hishiis ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo maalgashiga ayaa labada dowladood ku kala saxiixdeen kulankaas.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Somalia iyo Turkiga ayaa qalinka ku duugay hishiis ku saabsanaa, Hormarinta, Dhaqaalaha iyo Dhaqanka.

Madaxweyne Edogan ayaa magaalada Ankara maamuus aad  u sareeya xarunta dalkaas ugu sameeyay wafdigan oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga.

Shir jaraa’id oo labada Madaxweyne si wadajir ah u qabteen, waxay ku sheegeen inay aad usoo dhaweynayaan xoojinta xiriirka labada maamul iyagoo sidoo kale tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin wada-shaqaynta hadda ka dhaxaysa.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Erdogan, ayaa saxaafadda u sheegay in beesha caalamka ay aad uga gaabisay caawinta dadka Somaliyeed isagoo sheegay in xukuumaddiisu marnaba ka caajisi doonin inay taageerto Somalia.

Erdogan, ayaa si cad u sheegay inaysan marnaba la hakan doonin caawinta ay siinayaan dadka tabaalaysan ee la daalaa dhacaya abaaraha iyo amni xumada ka jirta Somalia.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabduulaahi Farmaajo ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay dalkaas iyo dadaallada uu markasta Turkigu kawado gudaha Somalia.

Waa booqashadii ugu horaysay ee Madaxweynaha Somalia ku tago dalkaas oo kamid ah waddamada daneeya arrimaha dalka.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen oo ay kamid ahaayeen amniga, dhaqaalaha, horumarinta, maalgelinta waxbarshada, is weydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka iyo shirka Soomaaliya ee London oo ay dowladda Turkiya kasoo qeybgali doonto.

GAROWEONLINE


Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM