Somalia: Markab Kalluumaysi oo la afduubtay

Image

Kooxaha Burcad Badeeda ayaa saakay afduubtay Markab Kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed, kaasi oo howlo Kalluumaysi sharci darro ah kawaday Biyaha dalka Somalia.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Koonfureed, ayaa xaqiijisay afduubka Markabkaasi oo ay sheegtay inuu lumiyay Xiriirkii Isgaarsiinta, kahor inta uusan galin gacanta Burcad-badeeda Somalia.

Markabka oo aan magaciisa iyo goobta lagu afduubay aan wali la sheegin ayaa waxaa saaran 21 Badmaax oo kala ah 3 u dhashay dalka Kuuriyada Waqooyi iyo 18 kasoo jeeda wadanka Indonesia.

Dhanka kale, Sarkaal katirsan Wasaaradda Difaaca Kuuriyada Waqooyi ayaa u sheegay AP in Markab dagaal ay usoo direen Xeebaha Somalia, si uu usoo furto Markabka Kulluumaysi iyo Shaqaalaha saaran.

Waa Afduubkii 2-aad, oo mudo Todobaad ah ay Burcad-badeeda ka geestaan Biyaha Somalia, kii kan ka horeeyay waxa loo geestay Dooni Kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran.

Dalalka South Korea, China, Thailand iyo Iran ayaa ah kuwa ugu badan ee sida sharci darrada Maraakiibtooda uga kalluumaystaan xeebaha dalka Somalia, oo aan lahayn Ciidamada ilaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM