Somalia: Markab Kalluumaysi oo la afduubtay

Image

Kooxaha Burcad Badeeda ayaa saakay afduubtay Markab Kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed, kaasi oo howlo Kalluumaysi sharci darro ah kawaday Biyaha dalka Somalia.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Koonfureed, ayaa xaqiijisay afduubka Markabkaasi oo ay sheegtay inuu lumiyay Xiriirkii Isgaarsiinta, kahor inta uusan galin gacanta Burcad-badeeda Somalia.

Markabka oo aan magaciisa iyo goobta lagu afduubay aan wali la sheegin ayaa waxaa saaran 21 Badmaax oo kala ah 3 u dhashay dalka Kuuriyada Waqooyi iyo 18 kasoo jeeda wadanka Indonesia.

Dhanka kale, Sarkaal katirsan Wasaaradda Difaaca Kuuriyada Waqooyi ayaa u sheegay AP in Markab dagaal ay usoo direen Xeebaha Somalia, si uu usoo furto Markabka Kulluumaysi iyo Shaqaalaha saaran.

Waa Afduubkii 2-aad, oo mudo Todobaad ah ay Burcad-badeeda ka geestaan Biyaha Somalia, kii kan ka horeeyay waxa loo geestay Dooni Kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran.

Dalalka South Korea, China, Thailand iyo Iran ayaa ah kuwa ugu badan ee sida sharci darrada Maraakiibtooda uga kalluumaystaan xeebaha dalka Somalia, oo aan lahayn Ciidamada ilaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM