Somalia: Qarax ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia- Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo gaar ahaan Bar-kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa ammaanka Jubbaland, sidaas waxaa Garowe Online u xaqiijiyay saraakiil katirsan maamulkaas.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan Isgoyska Xaaji Jaamac ee Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Xasan ayaa warbaahinta u sheegay inuusan jirin khasaaro ka dhashay weerarkaas.

Wuxuu xusay inuu qarxay ruuxii isku soo xiray Bambka kaasoo uu tilmaamay inuu doonayay dhibaataynta shacabka Somaliyeed.

“Majirto wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxaas, waxaa qarxa naftii hallige masiibadii uu rabay inuu umadda u gaysto alle ku koobay,”Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Booliiska Jubbaland.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay qorshaha iyo bartilmaameedka ruuxa is-qarxiyay, wuxuu xusay inaysan macluumaad dheeeri ah ka hayn, balse ay u aqoonsanyihiin kuwa sharwadayaasha ah ee dhibaataynaya shacabka.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa magaalada Kismayo inkastoo loo malaynayo inay howshan ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab.

Wuxuu kusoo beegmay xilli xarunta maamulka Jubbaland uu kasocdo dhaq-dhaaqo ku aadan guluf ka dhan ah kooxda Al Shabaab gaar ahaan howlgal laga billaabayo gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM