Somalia: Saraakiil katirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Qoryooley

Image

QORYOLEY, Somalia- Ciidamada ammaanka gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay inay maanta gacanta ku dhigeen xubno katirsan kooxda Al shabaab, oo ay ku jiraan hogaamiyaal sar sare.

Cabdi Axmed Cali oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha maamulka Qoryooley ayaa u sheegay GO in xubnaha ay qabteen uu kamid yahay Madaxii howlgalka Al-shabaab ugu qaabilsanaa degmadaas.

Cabdi ayaa tilmaamay  in raggan katirsan Al shabaab lagu soo xiray howlgal ciidamada dowladda Somalia ka fuliyeen deegaanka Farxaane, oo 5KM Koonfur uga beegan Qoryooley.

Wuxuu xusay inay hadda raggaasi su’aalo ku weydiinayaan saldhigga Booliska degmada, islamarkaana ay qorsheynayaan inay kusoo wareejiyaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Ragga la qabtay, waxaa sidoo kale ku jira labo ruux oo la sheegay inay wardiye u ahaayeen saraakiisha gacanta lagu dhigay.

Al shabaab kama aysan hadlin xubnaha la sheegay in lagu qabtay hogal ka dhacay duleedka Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM