​Somalia: Sarkaal katirsan NISA oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Koox hubaysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab ayaa xalay Muqdishu ku dishay Sarkaal katitsanaa hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA). 

Sarkaalka oo lagu magacaabi jirey Maxa'ed Cumar ayaa labo nin oo bastoolado ku hubaysan waxay ku toogteeb afaafka hore ee Masjid uu Salaada cishaha kusoo tukaday oo ku yaalla degmada Waaberi. 

Labada dilka fuliysay ayaa baxsday, kahor inta ciidamada amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aysan gaarin goobta, sida ay dad Goob Joogayaal ah u sheegeen Warsidaha Garowe Online. 

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyada dilka, balse waxuu qeyb ka yahay falal amni darro oo kusoo badanaya Muqdishu mudooyinkii dambe. 

Kooxda Al shabaab ayaa dhawaan shaacisay inay la dagaalayso dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyagoo xusay inay diyaariyeen Boqolaal dagaalyahan oo u fuliyo weerarada. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ciidamada qaranka ay billaabi doonaan howlgallo military, oo Al shabaab looga saarayo guud ahaan Somalia, kadib markii uu dhacay Qaraxii Suuqa Kaawo-gudey. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM