​Somalia: Waqtiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la iclaamiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada Aqalka Sare Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta magaalada Muqdishu ku yeeshay kulankoodii ugu horeeyay kaasoo ay uga hadlayeen xilliga ay dooranayaan Guddoonkooda islaamrkaana waxay iska dhex xuleen Guddi ka kooban 6 xubnood oo qaban-qaabi doona doorashada kuwaasoo kala ah;

  1. Maxamed Cismaan Faarax {Hirshabeelle}
  2. Jawaahir Axmed Cilmi         {Galmudug}
  3. Farxaan Cali Xuseen            { Puntland}
  4. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag {Jubbaland}
  5. Cabdirisaaq Axmed Cali      { Somaliland}
  6. Xuseen Sheekh Maxamuud  {Koonfur Galbeed}.

Guddigaas, ayaa iyaguna yeeshay shir gooni ah oo iskaga dhex xuleen Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada oo ay u garteen inuu noqdo Maxamed Cismaan Faarax.

Waxay sidoo kale go'aamiyeen xilliga ay doorashada Guddoonku dhacayso iyagoo ka dhigay 22 January, 2017.

Mudanayaasha Aqalka Sare, ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay u samayn lahaayeen shuruuco, xeer hoosaadyo ay ku dhaqmayaan inta doorashada lagu jiro iyo waxyaabaha hagaya kulamadooda soo socda.

Kulankii maanta waxaa soo xaadiray 44 mudane iyadoo wadar ahaan Xildhibaanada Aqalka Sare yihiin 54 Xildhibaan.

Dhinaca kale, waxaa isla maanta magaalada Muqdishu ka dhacday doorashada xubno katirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee ka imaanaya gobollada Waqooyi taasoo ay kusoo baxeen murashaxiinta  kala ah;

Ayuub Ismaacil Yusuf

Nuurto Faarax Jaamac

Deeqo Xasan Xuseen.

Xubnaha la doortay ayaa Guddiga doorashada iclaamiyeen inay maanta loo codeeyo saddexdaas kursi.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli shalay Guddoonka Doorashada dadban iyo kan Xildhibaanada aqalka hoose shir kuwada qaateen magaalada Muqdishu iyagoo ku baaqay in la dar-dargaliyo xubnaha ka dhiman labada Aqal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM