​Somalia: Weerar ka dhacay gobolka Gedo

Image

CEEL-WAAQ, Somalia- Kolonyo gaadiid ay wateen ciidamada Kenya ee qeybta ah AMISOM ayaa lagu weeraray meel ku dhaw degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda Somalia oo ku sugan  goobtaas ayaa xaqiijiyay in labo Askar oo kamid ahaa ciidanka Kenya ay ku dhinteen weerarka gaadmo ah.

Dagaalyahanno hubaysan oo la sheegay inay katirsanyihiin Al Shabaab ayaa jidka u galay gaadiid ciidanka Kenya xilli ay marayeen tuulada Buzaar,ee duleedka Ceel-Waaq.

Dagaal culus ayaa labada dhinac ku dhexmaray Buzaar, waxaana dadka deegaan ay tilmaameen inay maqlayeen qaraxyo iyo rasaas xooggan oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Wararka ayaa xusaya in dhowr xubnood Al shabaab looga dilay isku dhacaas, iyadoo mid kamid ah gaadiidka militariga Kenya lagu gubay miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Militariga Kenya kama aysan hadlin dagaalka, oo kamid ah weeraro joogto ah oo Kooxda Al shabaab ka fulinayso gudaha dalkaasi tan iyo markiii ciidamada Kenya soo galeen Somalia 2011.

Al Shabaab ayaa ka dambaysay dhowr weerar oo ay ku qaadeen ciidamada kala duwan ee AMISOM intii u dhaxaysay 2015 iyo 2016, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen dagaalladii ay ku qaadeen Leego, Janaale iyo Ceel cadde kuwaasoo ay ku dhinteen Askar badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM