​Somalia: Xaaf oo Waxgaradka Mudug kala hadlay Heshiiska Puntland

Image

GAALKACYO, Somalia - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa Kulamo uu la yeelanayo Waxgaradka Mudug ka wada Koonfurta magaalada Gaalkacyo, oo shalay uu tagey.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmduug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masaga-waa), ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu kala hadlayo Waxgaradka iyo Odayaasha Heshiiska Nabada uu la galay Puntland.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka in Kulanka diiradda lagu saarayo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii Xaaf iyo Gaas ay ku gaareen 29-kii May, kaasi oo lagu dhameynayo Colaadda daba-dheeraatay ee Gaalkacyo.

Hogaamiyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay ku heshiiyeen in xal waara laga gaaro colaada, sidoo kalena la isku furo wadooyinka, iyadoo la kala qaadayo Ciidamada labada dhinac ee is-horfadhiya.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Heshiisyo kuwan lamid ah la galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" 2016, kuwaasi oo dhamaantood aan hergelin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM