​Somalida kunool Koonfur Africa oo walaac ka muujiyay dilal loo gaysto

Image

 Somalida kunool dalka Koonfur Africa ayaa walaac xoog leh ka muujiyay dilal iyo dhac ku salaysan midab takoor kaga yimaada dadka dalkaas u dhashay taasoo kaliftay in ganacsato badan lagu dilay iyagoo ku jira shaqo maalmeedkooda.

Qaar kamid ah Somalida ku nool dalkaas oo cabshadan qabay sanooyinkii dambe ayaa cadeeyay inay xilli kasta soo wajahdo cabsi xoog leh oo ku aadan noloshooda iyagoo xusay in sidoo kale la boobo hantidooda.

Dhalinyaro Somaliyeed oo u shaqo tagay dalkaas ayaa todobaadyadii u dambeeyay lagu dilay xarumahooda ganacsi kuwaasoo aysan jirin cid wax ka qabatay falalka ka dhanka ah.

Maaha Somalida oo kaliya dadka dhibanayaasha u ah dilalka ku saabsan isir nacaybka dadka soo galootiga ah.

Dhowr jeer oo hore ayay ahayd markii shakhsiyaad Somali ku jirtoqaab arxan darro ah loo diray ganacsato loogu tagay xarumahooda xilliyo kala duwan.

Booliiska Koonfur Africa ayaa mararka qaybtood ka hortaga falalkaas ku saabsan Isir Nacaybka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM