Somaliland: Dab xooggan oo qabsaday Suuqa Weyn ee Wajaale

Image

WAJAALE, Soomaaliya - Dab xooggan ayaa caawa ka kacay suuqa weyn ee degmada Wajaale oo ku taalla xuduuda Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo aad u farabadan.

Dabka ayaa sababay burbur soo gaaray boqollaal shirkadood iyo dukaamo, sida ay muujinayeen sawirro ay dad-goobjoogayaal ah ku faafiyeen Baraha Bulshada.

Ciidanka Dab-demiska ee Wajaale ayaa ku guda jira daminta dabkaasi, halka kuwa Hargeysana ay ku sii jeedaan goobtaasi si ay u xoojiyaan dedaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu magaaladda ka maqan yahay qalab dab-damis ah oo awood u leh inuu wax ka qabto dabka intan le'eg, iyadoo dadka deegaanka ay isku dayayaan in ay alaabaha ka raraan shirkadaha uu dabku qabsaday.

Suuqyo badan oo Soomaali ah ayaa gubtay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana kamid ah suuqyada Waahin, Jigjiga, Gaarisa iyo Suuqa Bakaaro ee caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM