Somaliland oo "dalbatay in DF ka caawiso ka hortagga COVID—19"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaadey in maamulka Somaliland uu "waydiisatay" in ay ka taageerto xakameynta iyo la dagaalanka faafitaanka Coronavirus.

Cabdullaahi Xaashi Cali, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah, ayaa hadalkaas ka sheegay shir maanta Muqdisho uga furmay dowladda iyo maamulada dalka.

Shirkaas oo laba casho soconaya ayaa waxaa looga hadlayaa siddii ay dhinacyadda isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka xanuunkaas dilaaga ah.

Cali oo ka hadlay madasha ayaa qiray "in ay si joogto ah" khadka telefoonka ugu wada hadlaan agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka maamulka Hargeysa, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye.

"Corona inta aan ogahay wax siyaasad ah shaqo kuma lahan, cid walba ayuu dardarayaa. Sidaas daraadeed, si joogta ah, agaasimaha guud ee [wasaaradda caafimaadka Somaliland] baan u wada hadalnaa," ayuu yiri Cali, wallow uu ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeri ah bixiyo.

Dr Xergeeye ayaa codsaday in ay qoondadooda ka helaan deeqaha caalamka ka imaanaya ee loogu talagalay ka hortaga fayruska, sidda uu ka dhawaajiyey agaasime Cali.

Wuxuu raaciyey: "Waliba hadalka uu yiri waxay ahayd 'waxaan marka siyaasadda leyska daayo cidna badbaadin maayee naga warqaba wixii markaas dowlad ahaan nasoo aada', annaga waxaan u sheegeynay in siyaasadeena aysan ahayn in aan qolo waxayno [gacan bidaxeyno]".

Dhanka kale, Dr Xergeeye ayaanan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeeray Agaasime Cali. Warsidaha Garowe Online wuxuu isku dayey in uu xiriiro la sameeyo, balse ma aysan suurtagelin.

Somaliland, oo gooni u goosad ku dhawaaqdey sanadka markii uu ahaa 1991-dii, ayaa caalamka u aqoonsan yahay maamul hoostaga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caabuqa COVID—19 ee kasoo bilowday bartamaha dalka Shiinaha isla markaana dunida ku dilay in ka badan 13-kun oo ruux ayaa horaantii bishaan Maaj soo gaarey Muqdisho. Hal kiis ayaa laga helay muwaadin ka yimid China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM