Somaliland oo hakisay saldhigga militariga Imaaraatka ee Berbera

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay mashruuca dhismaha saldhigga Military ee dowladda Imaaraadka ka waday magaalada Berbera.

Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay digniinta Xuutiyiinta Yemen ay Somaliland uga digayso saldhiga militeri ee Imaaraadka ay ka siisay Garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Dr Sacad ayaa qiray inay jirto khatarta Xuutiyiinta oo wali taagan, balse sababta ay u hakiyeen mashruuca uusan midaasi ahayn oo ay yihiin arrimo farsamo, oo kamid ah in heshiiskii labada dhinac galeen qodobo kamid ah la filan waayay.

Heshiiska oo uu saxiixay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo sidoo kalena uu ansixiyay Baarlamaanka ayaa waxaa ku jira in Imaaraadka uu dhiso Wadada isku xirta Berbera iyo Wajaale, in la dhiso Garoonka Diyaaradaha.

Wuxuu sheegay wasiirka in Imaaraadka uusan wali usoo gudbin qorshaha dhisamaha labada mashruuc ee lagu dhisayo wadada iyo Garoonka, oo aysan Somaliland ka helin naqshadda iyo goorta la billaabayo.

Heshiiska Somaliland la gashay Imaaraadka oo 25 sano ah waxaa ku xusan ayuu yiri Wasiirka arrimo badan oo ay kamid yihiin, Dhisamo garoon, wadooyin, caafimaadka iyo tamarta biyaha, taasi oo bedel u ah saldhigga Berbera.

Sacad Cali Shire ayaa tilmaamay in mashariicda oo dhan ay isku wada xiran yihiin, islamarkaana saldhigga military dhismihiisa ay ka horeyaan kuwa horumarina deegaanada Somaliland.

Dowladda Imaaraadka kama aysan hadlin go'aanka Somaliland, kaasi oo aan la ogeyn inuu wax ka bedalayo heshiiskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM