Somaliland oo lacag hor leh suuqeeda gelinaysa

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Xukuumada Somaliland oo dhawaan ku dhawaaqday in dhaqaaluhu uu aad hoos ugu dhacay ayaa qaadatay in ay soo daabacdo lacag hor leh oo shilinka maamul kaasi kamid ah.

Maamulkaan oo horey loogu qiyaasay lacagta shilinka ee suuqyadiisa wareegta 30 milyan oo shlinka maamulkaasi ah ayaa haatan daabacaya 38 milyan oo hor leh.

Ismaaciil Axmed Ibraahim oo ah aas-aasaha shirkadda Xawaaladda ee World remit ayaa sheegay in Bankiga dhexe ee maamulku uu siiyay shirkadda, De La Rue qandaraaska daabacaada lacagta iyada oo qaadanaysa 25%.

Shirkadaan oo fadhigeedu yahay magaalada, Basingstoke ee wadanka Ingiriiska ayuu ismaaciil ku tilmaamay mid fadeexado ku dhex jirta isla markaana Ingiriiska, India iyo Kenyaba laga soo dacweeyay.

Heerka sicir bararka Somaliland ayaa cirka isku sii shareeray iyada oo dadku ay ka cabanayaan canshuuro xoog leh oo la saaray maciishadaha quutul duruuriga u ah dadka.

Colaada Sool ayay Somaliland sheegtay in ay saamayn ku yeelatay dhaqaalaha xilli wali Muuse Biixi uu u durbaan tumayo abaabulka aan qarsoodiga ahayn ee ay ka wadaan deegaano hoostagga Burco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM