Somaliland oo qiratay jabka dagaalka Sool

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Xildhibaan Ahmed Khaliif Jaamac oo kamid ah xunbnaha golaha wakiilada Somaliland ee gobalka Sool ayaa ka hadlay dagaal-kii ciidamada Somaliland looga saaray gobalka Sool.

“Waa nala jabiyay waa nalaga adkaaday. Dadkeena aan runta u sheegno”.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyada oo maamulka Somaliland uu isku dayayo in uu duulaan ku ekeeyo duleedka Oog halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaan ilaa hadda bulshada deegaanadaas wax uga sheegin sida ay wax u dhaceen isla markaana ku celiyay marar kala duwan in ay iyagu ciidamadooda kala soo baxeen gobalka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM