Soo celinta maamulka hawada oo la xiriiriyey madax-banaanida dalka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sooyaalka dalkeenna ay baal dahab ah ka geli doonaan Muwaadin kasta oo door ku lahaa dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay dalkooda iyo dadkooda u qabteen.

“Soo celinta Maamulka Hawada dalkeenna waxaa ay ahayd arrin aad u adag, madaama welwel badan laga qabay tayada howlwadeennadeenna iyo qalabka aan isticmaaleyno awooddiisa, laakin waxaa fikirkaas beeniyay Masuuliyiinta iyo khuburada Soomaaliyeed ee Duulista Hawada oo muujiyay karti iyo in ay daacad u yihiin masuuliyaddaas Qaran”.

Madaxweynaha oo guddoonsiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Billad sharaf ayaa ku bogaadiyey howlwadeennada Duulista Rayidka sida ay muddo kooban gudohood ugu horseedeen in dalkeennu lagu ammaano dhanka Maamulka iyo Maaraynta Duulista Hawada.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyay Shahaado Sharaf dhammaan Halyeeyadii ka soo qeyb qaatay Qorshaha Qaran ee Soocelinta Maamulka Hawada Soomaaliyeed, Howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Dhankooda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ka warbixiyay horumarka dalka ee dhanka Duulimaadyada Rayidka ah iyo Amniga Garoommada Diyaaradaha, waxa ayna tilmaameen in Shirkado diyaaradeed oo caalami ah ay ku soo dhiirradeen adeegsiga Hawada Soomaaliya.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM