Soo celinta Soomaalida u xiran xabsiyada caalamka oo laga shiray

Image
Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ay ka go'an tahay dardargelinta hanaanka soo celinta muwaadiniintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Jaamac ayaa guddoomiyey shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka "Soomaali Dunida Heshiis La ah".

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah kuna jira xabsiyo kala duwan.

Sida uu sheegay xafiiska Saalax, dadkan ayaa waxay yihiin kuwa baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen iyagoo nabad ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go'an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo.

Dowladda federaalka ayuu tibaaxay in ay muhiimad gaara siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM