Soomaali doorasho looga reebay lacag uu ka helay wasiir DF ah

Image
Sahra Mustaf ayaa sidoo kale waxay ku guuldareystay isku-day ay dooneysay in looga laabto go'aankan. [ Photo: The Age]

MELBOURNE, Australia - Xisbiga Liberal-ka Australia ayaa kalsoonida kala noqdey haweenay Soomaali oo u ahayd musharax ugu tartamayey kursi baarlamaan heer federaal oo laga soo doorto Waqooyi-Bari caasimadda Melbourne markii ay dhaqaale ka heshay Adeerkeed oo wasiir ka ah dowladda Soomaaliya, sida daabacay bogga The Age.

Go'aanka Sahra Mustaf loogala laabtey aqoonsiga oo soo baxay habeenimadii Isniinta asbuucan ayaa, sida warbixin ku xusan, wuxuu salka ku hayaa cabsi Xisbigu ka qabo in dhaqaalaha ay heshay uu meel ka dhac ku yahay shuruucda waddankaas uga degan faragelinta dalalka shisheeye ee arrimaha doorashooyinka.

Laba sarkaal ka tirsan xisbiga oo magacyadooda uga gaabsadey sababo ku aadan xasaasiyada macluumaadka musharaxiinta ayaa shaaca ka dhigay in Sahra ay ku doodey in dhaqaalaha ay ku kabaysay dakhligeeda. Hase ahaatee, illaa haatan ma aysan soo bandhigin magacyadda wasiirka salafsadey musharaxnimada Sahra.

Sahra oo ah hooyo ay saygeedu kala tageen ayay warbixintu tilmaamaysaa in ay soo jeedisay in ay iska joojisay lacagihii loosoo dirayay. Balse, wargeysku wuxuu wariyey in xisbigu uu gabi ahaanba meesha ka saarey in wax laga bedelo go’aanka uu qaatey.

"Walaaca ma ahan in taageerada maaliyadeed ee Sahra ay gedaal ka riixeyso dano dowladda Soomaaliya ka leedahay baarlamaanka [Australia] balse waxaa walwalku daaran yahay in xisbiga Liberal-ka uu arrintan darteeda weerar siyaasadeed kala kulmi karo dhigiisa shaqaalaha," ayaa lagu yiri qeyb kamid ah warbixinta.

Soomaaliya ayaa haatan dhexda kaga jirta qalalaase doorasho. Dib-u-dhac weyn wuxuu hareeyay coddeynta oo qorshuhu ahaa in ay qabsoonto 2020-21. Jadwalka cusub ee soo baxay 27-dii May, 2021 wuxuu u muuqdaa mid kale u dhutin doona khilaafyada soo baxay.

Feker "qaldan"?

Sida laga soo xigtay The Age, xisbiga Liberal-ka ayaa meesha ka saarey in diidmada musharaxnimada Sahra aysan u-dub-dhaxaad u ahayn feker qaldan oo ay ka haystaan dowladda Soomaaliya ayna u hogaan-samaan shuruucda ka jirta waddankooda.

Dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha Sahra waxaa, sida ku cad warbixinta majaladda, waxaa dibada u soo saarey guddi ka tirsan xisbigeeda kuwaasoo ogolaanshiyaha kama dambeysta ah siinaya musharaxiinta.

Kursiga ay u sharaxneyd Sahra Mustaf oo kamid ah kuwa ugu adag waxaa haatan ku fadhisa Kate Thwaites oo xubin ka ah xisbiga Shaqaalaha. Xisbiga Liberal-ka waa kan ugu weyn uguna saameynta isbaheysiga waqti xaadirkan haya taladda waddanka Australia.

Qaban-qaabadda doorashadda ayaa si xowli ah ku socota iyaddoo labadda xisbi ee ugu weyn Australia oo kala ah Librael-ka iyo Shaqaalaha ay dardargeliyaan xulashadda musharaxiintooda.

Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa wuxuu awood u leeyahay in uu coddeynta u muddeeyo xilli kasta oo kamid ah inta u dhaxeysa bisha Sebtember ee sannadkan ama bisha Maarso ee sannadka dambe.

Australia waxaa qasab ku ah musharaxiinta ku cusub xisbiyada in ay wajahaan shuruuc adag waxaana kamida in aysan taageero maaliyadeed ka heli jiray qaraabadooda ku sugan dibada. Sahra waxay xisbiga ku biirtey sanad kahor waana sababta ay ugu baahatay in ay hesho ogolaanshiyo gaar ah si ay ugu tartanto xeerdejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM