Soomaali ka tirsanaa booliska Ingiriiska oo dambi culus qirtay

Image

LONDON, UK – Shaqsi Soomaali ah isla markaana haysata waddanka Holland ayaa waxa uu kasoo muuqday maxkamad ku taala waddanka Ingiriiska.

Mahdi Maxamuud ayaa loo haystaa dhaawac uu Toorey ugu geystay dad ku sugnaa boosteejadda tareenka ee magaaladda Manchester.

Sidda laga arkay CCTV-yadda, dhibanaha ayaa dhowr jeer waxaa mindida looga dhuftay dhabarka dambe, garbaha iyo madaxa.

26-sano jirkaan ayaa falkaan ku kacay sanadkii hore, waxaana xiligaas gacanta ku dhigay laamaha ammaanka ee Boqortooyadda Britain.

Maxamuud ayaa qirtay dambi culus oo ah in uu sameeyay isku day dil, taas oo uu ku muteysan karo ciqaab aad u daran.

Eedeysanaha oo UK tegay isaga oo sagaal sano jir ah ayaa xiliga uu falka sameynayey ku qaylinayey "Allahu Akbar".

Booliska ayaa waxaa laga soo xigtay in sidoo kale Maxamuud uu ku dhawaaqayey hadalo ay kamid yihiin "Hawaarto Khilaafadda".

Maxkamadda Manchester ayuu Talaadada maanta ah u sheegay in uu ku kacay fal-dambiyeedyo salka ku haya waxa loogu yeero argagixiso.

Dambi baareyaasha ayaa tuhunsan in uu xubin ka yahay kooxda la magac-baxday Dowladda Islamka ee loo yaqaano Daacish.

Qareenadda ayaa ku doodey in Maxamuud uu qabay dhibaato maskaxeed, balse baaritaano lagu sameeyay waxay muujiyeen in uu wacan yahay.

Wallow ay ogolaadeen sheegashadan, dacwad-oogeyaasha ayaa meesha ka saarey in weerarka uu ku fuliyey ogaanshiyo la'aantiisa.

Xeer-ilaalinta ayaa xustay in Mahdi ay ka heleen telefoonkiisa astaamo muujinaya in lagu xagjireeyay online-ka uuna taageero ISIL.

Mahdi Maxamuud oo arday ka ahaa Jaamacadda Leeds halkaas oo uu ka baranayey Injineernimo ayaa dhowr jeer waxa uu booqday Soomaaliya.

Sidda ay ku warantay warbaahinta gudaha, Mahdi oo waxbarashada meel dhexe uga haray ayaa waxa uu mar ku biiray Booliska gaadiidka ee Britain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM