Mas'uul katirsanaa xafiiska Khayre oo ku dhintay burbur diyaaradeed

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Nin Soomaali ahaa oo lagu magacaabayey Shahaad Cabdishakuur ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee maanta ka dhacay duleedka caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Ninkan ayaa ahaa sarkaal katirsan qeybta Borotakoolka Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Wararka ayaa sheegaya in Gabar kale oo Soomaali ah, balse haysatay dhalashada dalka Canada ayaa ku jirta dadka geeriyoodey.

Diyaaradda soo dhacday oo ay lahayd shirkada Ethiopian Airlines ayaa kusii jeeda magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

War-saxaafadeed ay shirkaddu soo saartay ayay kusoo bandhigtay dalalka ay kasoo jeeda rakaabkii diyaaradda oo gebigooda ku geeriyooday shilka kuwaasoo wadar ahaan 33 dal kasoo kala jeeda.

Bayaanka ayaa nan lagu xusin in uu qof Soomaali ah ku dhintay burburka diyaaradeed oo ka dhacay meel 60 KM u jirta Addis Ababa.

Dalalka ay kasoo jeeda iyo tirada ayaa kala ah; 32 Kenyaan ah, 18 u dhalatay Canada, 9 Itoobiyaan ah, 8 u dhashay China, 8 u dhalatay Italy, 8 Ameerikaan ah, 7 Faransiis ah, 7 British ah, 6 Masaari ah, 5 u dhalatay Netherlands iyo 4 ku safreysay Passprot-ka Qaramada Midoobay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya Marxuum Cabdishakuur uu kamid ahaa masuuliyiinta xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, wallow aanu wali jirin war illaa iyo haatan kasoo baxay xukuumadda.

Hogaamiyaasha Itoobiya, Kenya, qaar kamid ah madaxda Midowga Afrika u fadhiya Addis Ababa iyo beesha caalamka ayaa tacsiyo u diray helada dadkii ku dhintay shilkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM