Tirada Soomaalida ku barakacdey argagixiso la dirirka Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Warbixin cusub oo la daabacay Talaadadii ayaa waxaa lagu soo bandhigay tirada dadka ku barakacay ololaha Mareykanka bilaabay ee argagixiso la dirirka tan iyo September 11-keeda sanadkii 2001-kii.

Soomaaliya ayaa kamid noqotay wadamada ay dadkoodu saameeyey dhaqdhaqaaqaan guriyahooda ka qixiyey ugu yaraan 37 milyan oo ruux, sidda ay daraasad ku sheegtay Jaamacadda Brown.

Qoreyaasha ayaa sheegay in tirada ay intaan kasii badaneyso hadii lagu daro dagaaladii Mareykanku qaadey tan iyo 1,900.

Baahintan timid laba todobaad kahor inta Mareykanka uusan gelin sanadkii 20aad oo uu la dagaalamayo argagixisada ayaa laga soo uruuriyey Soomaaliya, Yemen, Iraq, Libya, Syria, Afghanistan iyo Philippines.

"Mareykanka ma lahan xudunta barakaca dadkaan oo tiradooda saxda ah ay noqon karto 48 illaa 59 milyan, balse wuxuu lahaa qeybta ugu weyn uguna muhiimsan," ayay sheegeen baareyaasha.

Duqeymaha dhanka cirka kuwaasoo ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones iyo howlgalada dhulka oo cabsi ku abuuray dadka shacabka ah ayaa loo aaneeyay qixitaanka ugu badan.

Xaqiiqadan lasoo bandhigay ayaa si lamid ah waxay kusoo hagaageysaa iyaddoo Mareykanka iyo dowlado kale oo reer Galbeed ah ay xuduudaha ka xiranayaan soogalootiga, fulinayaanna siyaasad lid ku ah qaxootiga.

"Tiradaan kuma jiraan malaayiin ka barakacay wadamo ay ku yar yihiin howlgalada argagixiso la diriaka Marekanka sidda Burkina Faso, Cameroon, Central African Republic, Chad, the Democratic Republic of Congo, Mali iyo Niger," ayay hoosta ka xariiqeen aqoon-yahanadda.

Si gaar ah Soomaaliya, warbixinta waxay daaha ka qaadey in 46 boqolkiiba shacabku ka barakaceen guriyahooda tan iyo markii ciidamada Ameerikaanka ay dib u bilaabeen dhaqdhaqaaqyadooda sanadkii 2002-dii.

Inkasta oo xilliyada qaar ay khasaaro kasoo gaaraan dad shacab ah, haddana beegsiga duqeymaha Mareykanka waa maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, qoromadda ayaa lagu caddeeyay in 25.3 milyan oo kamid ah dadka kale ee ku barakacay ololaha argagixiso la dirirka Mareykanka ay ugu dambeyntii guriyahooda dib ugu laabteen muddo badan kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM