Soomaali kusoo baxay final-ka abaalmarin dulsaaran 25-kun oo dollar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gabar Soomaaliyeed ayaa kusoo baxday liiska kama dambeysta 20-ka qof ee ku guuleysan karta abaalmarin lagu bixinayo aduun lacageed dhan 25-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Jaa'izadda Anzisha Prize oo sanad walba ka bixiyo ayaa waxaa loogu talogalay in lagu dhiirogeliyo ganacsatadda da'yar ee qaaradda Afrika.

Caa'isha Saciid, Soomaali 20-sano jir ah, ayaa ah aas-aasaha 2doon, oo loo sameeyay in ay shaqo abuur u sameyso dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Guuleystaha biladan ayaa waxaa 22-ka bisha October ee sanadkan 2019-ka si rasmi ah looga dhawaaqi doonaa magaaladda Johannesburg ee South Africa.

Xubnahana kale ee final-ka kusoo baxay ayaa kala ah;

Godiragetse Fareed Mogajane, 21, South Africa

Marvellous Nyongoro, 22, Zimbabwe

Velache Coker, 19, Sierra Leone

Emmanuel Owusu Agyei, 22, Ghana

Jaritou Jallow, 21, Gambia

Caleb Annobil, 21, Ghana

Christian Kassahun, 21, Ethiopia

Mamadjang Jallow, 20, Gambia

Saudah Birungi, 22, Uganda

Olipah Chomba, 22, Zambia

Osvaldo Mokouma, 19, Republic of Congo

Segbe Accrombessi, 22, Benin

Balbina Gulam, 21, Tanzania

Catherine Nalukwago, 22, Uganda

Cecil Chikezie, 21, Kenya

Abdulwaheed Alayande, 21, Nigeria

Emmanuel Okon, 22, Nigeria

Raghda Medhat, 22, Egypt

Yannick Kimanuka, 21, DRC

Siakstaba ha ahataee, Nigeria iyo Chana waa dalalka ganacsatada ugu badan ku leh liiska, halka Caa'isha ay noqoneysaa Soomaaliga kaliya ee munaasabadaasi kasoo muuqan doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM