Soomaali kusoo baxay final-ka abaalmarin dulsaaran 25-kun oo dollar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gabar Soomaaliyeed ayaa kusoo baxday liiska kama dambeysta 20-ka qof ee ku guuleysan karta abaalmarin lagu bixinayo aduun lacageed dhan 25-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Jaa'izadda Anzisha Prize oo sanad walba ka bixiyo ayaa waxaa loogu talogalay in lagu dhiirogeliyo ganacsatadda da'yar ee qaaradda Afrika.

Caa'isha Saciid, Soomaali 20-sano jir ah, ayaa ah aas-aasaha 2doon, oo loo sameeyay in ay shaqo abuur u sameyso dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Guuleystaha biladan ayaa waxaa 22-ka bisha October ee sanadkan 2019-ka si rasmi ah looga dhawaaqi doonaa magaaladda Johannesburg ee South Africa.

Xubnahana kale ee final-ka kusoo baxay ayaa kala ah;

Godiragetse Fareed Mogajane, 21, South Africa

Marvellous Nyongoro, 22, Zimbabwe

Velache Coker, 19, Sierra Leone

Emmanuel Owusu Agyei, 22, Ghana

Jaritou Jallow, 21, Gambia

Caleb Annobil, 21, Ghana

Christian Kassahun, 21, Ethiopia

Mamadjang Jallow, 20, Gambia

Saudah Birungi, 22, Uganda

Olipah Chomba, 22, Zambia

Osvaldo Mokouma, 19, Republic of Congo

Segbe Accrombessi, 22, Benin

Balbina Gulam, 21, Tanzania

Catherine Nalukwago, 22, Uganda

Cecil Chikezie, 21, Kenya

Abdulwaheed Alayande, 21, Nigeria

Emmanuel Okon, 22, Nigeria

Raghda Medhat, 22, Egypt

Yannick Kimanuka, 21, DRC

Siakstaba ha ahataee, Nigeria iyo Chana waa dalalka ganacsatada ugu badan ku leh liiska, halka Caa'isha ay noqoneysaa Soomaaliga kaliya ee munaasabadaasi kasoo muuqan doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM