Soomaali laga soo tar-xiilay Mareykanka oo la keenay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad ay la socdeen Muwaadiniin Soomaaliyeed, oo laga soo tar-xiilay wadanka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay dalkooda galabnimaddan Jimcaha ah [29 bisha June 2018].

Dadkaan lasoo tar-xiilay oo gaarayeen 83 qof, oo isagu jiraa rag iyo dumar ayaa laga dejiyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana keentay diyaarad gaar ah oo kasoo qaadey Mareykanka, taaso oo soo martay Kenya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Soomaaliya oo kamid ah xubnihii soo dhaweysay dadkaan ayaa sheegay in mas'uuliyadda dadkaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Bishii December ee sanadkii hore 2017, maamulka Trump wuxuu ku fashilmay inuu dalkooda kusoo celiyo 90 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo diyaaradii ay la socdeen sababo farsamo kasoo laabatay dalka Senegal, oo galbeedka Africa ku yaalla.

Dadkii la socday diyaaraddaas oo dib loogu celiyay Mareykanka, iyo ehelkooda ayaa waxay gudbiyeen dacwad ku aadan in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay, inta ay saarnaayeen.

Talaabadda lagu soo musaafuriyay dadkaan ayaa qeyb ka ah siyaasadda Madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump, kaasoo tan iyo markii xafiiska la wareegay 2017 waday qorshayaal ka dhan dadka soo galootiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM